Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan qof walbo uga mahadcelino doorkiisa uu ku lahaa kiiskan.
XAQIIQO NEWS- FIKRDAHA
Waxa aan halkan Mahad Weyn uga dirayaa NISA, gaar ahaan agaasimihii hore NISA Fahad, taliyihii hore NISA u qaabilsanaa gobolka Banaadir Yaasiin Fareey iyo intii ku caawisay fulinta dilka.
Waxaan marnaba la iloobi karin doorka Madaxtooyada ay ka qaadatay dulmiga lagu kala kacay Ikraan, shaqada madaxtooyada la’aanteed suurtagal ma noqoteen in wax walbo u dhacaan sidan foosha xun.
Waxaa kale oo iyaguna amaan mudan xeer ilaaliyaha iyo baarayaasha kiiska kuwaasi oo suurtagaliyey in dulmiga la daboolo.
Sidoo kale waxaa doorkooda la iska indha tiri karin dowladda Qadar oo iyadu maalgelisay daboolista Kiiska.
Kama tagin ra’iisal wasaare Rooble oo doorkiisa uusan muuqan balse qeyb-waraabe leh ka qaatay in dhacdada ay si habsami leh u soo gabagabowdo.
Ugu dambeyntii waxa aan Ka cudur daaranayaa cid walbo oo aan halkani ku xusin hase ahaatee door ku laheyd kiiska Ikraan, mudanayaal idinkama tagin hadii aanan aniga idin xusin taariikhda ayaa idin sheegi doonto, Mahadsanidiin dhammaantiin.