Mahmat Gandhiga Hindiya Maxuu Ku Yiri Bajaajleyda?

La Wadaag Asxaabtaada

Ka dib dibadbaxyadii Muqdisho ee rabshada watay, waxaa soo baxay hajnabaadyo adag oo ay soo dirayaan madaxda si shacabka loogu qasbo in candhuuftooda gadaal u liqaan.

Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Mahmat Gandhi waa tusaale wanaagsan marka ay timaato halganka shacabka ee aan hubeysneyn , dhimashadiisa ka horna waxa uu ka tagay hadallo murti ah oo tusaale fiican u noqon kara halganka .

Qeybta hoose waxa aan idinku soo gudbineynaa qaar ka mid ah hadalladii Mahmat Gandhi uu ka yiri awoodaha Shacabka.

Xoogga Ma ahan awoodda jireed ee qofka, Xoogga waa awoodda doonis ee qofka.

Gaandhi waxaa uu na barayaa in awoodda aysan aheyn jirka, hubka ama quwadda muuqata ee qof uu heysto kaliya, sida uu aaminsanyahay gandhi awoodda waa doonista qofka.


Adiga oo isticmaalaya qaab caqli leh, waad ruxi kartaa dunida

gandhi waxaa uu ka mid yahay dadka uga horeeya ee aaminsan caqliga, runtii Gandhi kuma qaldana heerka uu gaarsiiyey caqliga, maxaa yeelay caqligaada oo aad isticmaasha kaliya waa uu ku filanyahay in uu badallo dhinaca ay u qulqulayaan biyaha


Necbow qaladka Balse ha nicin qofka qaladka galay

Weerahan micnahiisa waxa uu noqonayaa waa in aan nacnaa Qaladka halkii aan nici laheyn qofka qaladka galay
qofka qaladka galay waxaa uu ku dhacay qaladka isaga oo ku jira xaalada ay saameynayaan waxyaabo ku qasbay in uu sidaas sameeyo.
Dhaamaan aadanaha waa isku “Tayo” runta marka laga hadlana ma jiro qof jecel in uu noqdo “Dambiile”.
si kastaba ha noqotee weeradan ani ahaan waa ay ila qaldantahay hase yeeshee dhacdo walbo waa muhiim in aan wax ka barano.


Wey Fudutahay in aad ka soo dhaxmuuqato dibadbaxayaasha, laakiin waxaa adag in kaligaa aad gooni u istaagto.

waxa saxda ah inta badan ma lahan shacbiyada, sidaa darteed waxa ay u baahantahay geesinimo iyo in aad u i istaagto waxa saxda ah xitaa hadii garbahaada aysan cidna taagneyn.

Qaabka u fiican ee aad ku heli karto wixii ka maqan waa in aad naftaada ku weysaa adiga oo u adeegaya dadka kale.

macnaha murtidan waxa ay tahay Gandhi waxa uu aaminsanaa in qofka dhabta uusan aheyn qofka danihiisa oo kaliya u dagaalama, fikradda noocani ah waxa ay na bareysaa waxa ban’aadamka dhabta ah uu yahay.
FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada