Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii ay doorasho tahay in la fishaa siinaariyoo walbo oo suurtagal ah.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Su’aasha loogu weydiiska badan yahay doorashada la filaayo 15-ka May waxa ay tahay “yaa guuleysan kara?”, laakiin dadku waaa ay ku kala duwan yihiin jawaabta.
Hadii aadan aqoonin baarlamaanka Soomaaliya, dib u milicso sanadkii 2012, markaasi oo ay soo saareen Xasan Shiikh Maxamuud oo xilligaasi aan magac ku laheyn siyaasadda.
Hadii aadan aqoonin baarlamaanka Soomaaliya, dib u milicso taariikhda waligeed ma dhicin in qof laba mar madaxweyne ka noqdo Soomaaliya.
Sidaa darteed marka ay tahay in aan ka hadalno qofka la filaayo in uu soo baxo doorashada madaxweynenimo ee dhaceysa maalinta Axadda waa in aan laba mar fikirnaa ka hor inta aan ku dhawaaqin musharax B ama T.
Ugu dambeyn, meesha kama saaraayo in madaxweynayaal hore soo laaban karaan laakiin waa in aan xisabta ku darsanaa wax walbo in ay dhici karaan 15-ka May marba hadii ay doorasho tahay dadka codeynaya ay yihiin baarlamaanka Soomaaliya.