Mareekanka Oo kabaxay Xubanimadii Ururka(UNESCO)(Sababtu dad badan ayaa la yaabay)

La Wadaag Asxaabtaada

Mareekanaka ayaa ku dhawaaqay maalinimadii khamiista in uu ka baxay ururka waxbarashada qaramada midoobay U qaabilsan ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan “UNESCO” iyagoo ka bixintaankooda sabab ugu dhigay in ururkani lidi uu ku yahay dowladda isra,il balse dhankeeda UNESCO ayaa muujisay in ay ka xuntay go,aankaasi.

haweeney lagu magacaabo Heather Nowert oo u hadashay Wasaaradda arimaha dibadda mareekanka ayaa sheegtay in mareekanka uu dhisi doono ergo si ku meel gaar ah u sii buuxin doono booska mareekanka uu ku leeyahay Ururka UNESCO.

Afhayeenta ayaa intaasi ku dartay”go,aankani ma ahan mid si sahal ah lagu qaatay go,aankani waxa uu daba taaganyahay cabsida uu mareekanka ka qabo Deymaha kordhaya ee Ururku Lagu leeyahay iyo sidoo kale cadaawata janjeerta uu ururka uu kula dhaqmo isra,il.”

Wasaaradda Dibadda Mareekanka ayaa cadeysay In goaankani uu dhaqan gali doono Bisha December ee soo socoto.

Agaasimaha Guud ee UNESCO Irina Bokova ayaa ka muujisay “qoomamo qoto dheer” go’aanka Mareykanka ee ah in ay ka baxdo Wakaaladda, iyada oo sheegtay in ay tahay arintani”khasaaro”

Bokova ayaa tiri”Ka dib markii war rasmi ah an ka helay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Mr. Rex Tilerson,waxaan jeclahay in aan muujiyo “ka xumaansho qoto dheer” go’aanka Mareykanka ee ah in ay ka baxaan UNESCO.

Sanadkii 2011, Mareykanku wuxuu joojiyay taageeradii maaliyadeed ee uu siin jiray UNESCO, iyagoo ku andacoonaya diidmo ka dhan ah in falastiin laga siiyo xubinimo buuxda Ururka UNESCO.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada