mareekanka oo wali cabsi ka qabo qoyska usaama iyo wiilka usaamo oo

La Wadaag Asxaabtaada

Dowladda Maryakanka ayaa liiska argagixisada ku dartay wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida Osama Bin Laden,kadib markii lagu tilmaamay in wiilkaas uu halis ku yahay dalka Maraykanka.

Wiilkan oo la yiraahdo Xamza Bin laden ayaa ah dhowr iyo labaatan jir, wuxuuna noqday xubin ka tirsan Alqaacida tan iyo dhimashadii aabihii.

Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa Xamza ku dartay liiska kooxaha argagixisada waxayna taasi ka dhigan tahay in qof Maraykan ah ay mamnuuc ka tahay inuu wax ganacsi ah la yeesho wiilkaasi.

Xamza ayaa ku si rasmi ah ugu biiray ururka al-Qaaida 2015, isagoo soo saaray war-saxaafadeed uu ku boorinayo weerarro mustaqbalka lagu qaado Maraykanka, sidoo kale wuxuu ku hanjabay inuu dhimashadii aabihiis uu u aargudi doono.

2015-tii ayay al-Qaeda soo daysay cod uu duubay Xamza, oo ku baaqaya in taageerayaasha Kabul, Baghdad iyo Qaza ay weerar ku qaadaan, Washington, London, Paris iyo Tel Aviv.

Wuxuu hadda ku biirayaa walaalkiis Saad ee ku jira liiska argagixisada caalamiga, taasoo ah qof qatar ku ah ammaanka dalka Maraykanka iyo dadkiisa.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada