Mareykan Ma Ku Jiraan Dadkii Ku Dhintay Weerarkii Nairobi ?

La Wadaag Asxaabtaada
War rasmi ah oo saaka kasoo baxay Xarakada Shabaab ayay ku sheegtay in 17 qof Caddaan ah ay ku dishay weerarka ka socda magaalada Nairobi .
Xaqiiqonews.com-Wararka Gudaha
“Meydadka 17 qof caddaan ah ayaa yaalla goobta weerarka ay ka wadaan ciidamada Mujaahidiinta khasaaruhuna waa mid sii kordhaya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Sida Xaqiiqonews ay ka soo xigatay Website-ka Alshabaab taageera ee Somalimemo, dadka dhintay waxaa ka mid ah Muwaadiniin ka soo jeeda Mareykanka, Ingiriiska iyo kuwa kale oo Galbeed ah.

Howlgalka ayaa u muuqda mid soo dhamaaday, madaxweynaha Kenya ayaana ku dhawaaqay sidaas, balse Alshabaab ayaa wili ku adkeysanaya in weerarka uu yahay mid socda.
FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada