Mareykanka..Doolar Cirka Ka Soo Daatay Sida Roobka+Video

La Wadaag Asxaabtaada

Darwalo badan ayaa baabuurta joojiyey , waxaana loo kala orday sidii loo xaabsan lahaa warqadaha doolarka, laakin booliska ayaa hadda dalbanaya in la soo celiyo lacagihii.


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda/Muuqaalo

Sida ay sheegtay idaacadda WSB ee Mareykanka, shilka ayaa ka dhacay meel u dhaw magaalada Atlanta, dhacdada aya timid ka dib markii baabuur ijaar ahaa oo ku socday xawaare dheer uu markaliya albaabka furtay , taasi oo keentay in lacago badan oo kaash ah ay soo daataan.

Darawalo badan oo wadada maraayey aya joojiyey baabuurta ka dibna bilaabay in lacagta gurubsadaan.

Sidoo Kale Aqriso: Mareykanka oo gabi ahaanba la burburin doono!

Robert Parson oo booliska ka tirsan ayaa yiri “kuwa lacagta qaaday waxa ay ku qasbanyihiin in ay soo celiyaan” hase yeeshee booliska faafaahin kama bixin sida ay ku soo ogaanayaan “Nasiiblayaasha” oo goorhoraba isaga baxsaday goobta ka dib markii ay boorsooyinka ka buuxsadeen tiro badan oo doolar kaash ah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada