Mareykanka..Muxuu Gacmaha Gadaal U Marsaday Duulaanka Yukrayn?

-


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

WARKA: Madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin ayaa ciidankiisa amar ku siiyey in ay hub ku dhigis ku sameeyaan ciidanka Ukrayn subaxnimadii hore Khamiista, waxaana xigtay weerar cir iyo dhul ah oo ciidanka Ruushka ay ku qaadeen magaalooyinka waaweyn ee Yukrayn.

DHAMMAADKIISA: Putin waxa uu si garba siman u bilaabay dagaal ka dhan ah Yukrayn iyo digniin ka dhan reer Galbeedka isaga oo uga digay in ay isku dayaan wax faragelin ah oo uu sheegay in ay ka dhalan karto “cawaaqib xumo”.

Dagaalka ka bilowday Yukrayn ayaa durba waxaa ka dhashay qax iyo isku dhaxyaac waddooyinka Kiyeef oo ah caasimadda Yukrayn ayaana jaam la noqday tirada baabuurta dadku ku baxsanayaan oo wadooyinka isku ciriiriyey dartood.Dadka ayaana isku jiiraya suuqyada iyo bankiyada si ugu diyaar garoobaan dagaal aan la qiyaasi karin natiijadiisa.

Diyaaradaha dagaalka Ruushka Sukhoi Su-35 ayaana dul heehaabaya caasimadda Yukrayn ee Kiyeef iyaga oo duqeeyey dhismayaal dhowr ah.

Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska Boris Johnsan oo hadlay saacidihii hore ee duulaanka ayaa sheegay in Biritan ay la garab tahay Yukrayn isaga oo ku soo celiyey in uu cunuqabateyno saarayo Ruushka.

Maxaa Xigga?

Waxa aan ku jirnaa saacidihii ugu horeeyey ee duulaanka Ruushka ku qaaday Yukrayn, Ruushka waxa uu sameynayaa horumaro xagga goobaha dagaalka, waxaa socda shirar, laakiin su’aasha ugu qaalisan ee qiimaheedu uu ku kacaayo boqolka geela ah waxa ay tahay: Maxay Sameyn doonaan Mareykanka iyo xulafadiisa marka laga reebo cunaqabateyn? Maalmaha ayaana ka jawaabi doono.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...