Mareykanka Oo Burburaya Dhawaan..Waana Tan Caddeynta!

-

Sida Ay shaacisay Wakaaladda Mareykana u qaabilsan “Keydka” Mareykanka ayaa haaya wadadii “Shiidnimada” , khubarada ayaana deynta lagu leeyahay Mareykanka ku tilmaamay “Bam waqtiyeysan” oo qarxi kara mar walbo.


Xaqiiqonews-Wararka dibadda

Warbixintani gaaban ma ahan mid ku dhisan caadifad ama rajooyin aan iska saadaalineyno, waxa aan isku dayi doonaa in aan aqristayaasheena la wadaagno Xaqiiqooyin iyo baaritaano dhab ah

Wasaaradda Ganacsiga Mareykanka Ayaa si cad u sheegtay in uu hoos u dhacay Wax soo saarka Mareykanka taasi oo ka dhalatay hoos u dhac balaaran oo ku yimid dadka soo dalbanaya Waxyaabaha Mareykanka soo saaraan marka laga reebo hubka difaaca,inkastoo Mareykanka uu balanqaadyo u sameeyey dadka iibsada wax soo saarkiisa,balse waxaa muuqada hoos u dhac weyn taasi oo waddanka ka dhigeysa mid u sii dhawaanaya in uu “Musalifo”.

Sidoo Kale Aqri Waa Kan Wajiga Kale ee Mareykanka Weyn..38 Milyan ayaa Ku nool Faqri!!

Dhinaca Kale waxaa yaraaday Kalsoonida Maalgaliyaasha ajaanibta ay ku qabaan suuqyada Mareykanka,taasi oo ay u dheertahay hoos u dhaca xooggan ee ku yimid Lacagta Doolarka marka loo barbar dhigo Lacagta Euro iyo Yuan-ka shiinaha, hoos u dhacani ayaa yareenaya kalsoonida lagu qabi karo in la maalgeshto Doolarka iyo guud ahaanba in la maalgeshto suuqyada lacagta Mareykanka.

Intaas oo dhan ka dib, dadka maalgeshtayaasha ayaa iska yareenaya keydka doolarka iyagoo u xuubsiibanaya in Dahabka laga dhigo “Halbeegga” lacag kala badalashada, taasi oo doolarka seejin doonto in uu sii xajisto qiimaha uu dunida ku leeyahay, tanina waa sababta baryahan dambe loo dareemaayo sara u kac ku yimid qiimaha dahabka.

Ugu Dambeyn, Mareykanka ayaa gadaal u macaashay sida laga dheehan karo liiska 100-ka dal ee dunida ugu fiican ee uu soo saaray Wargeyska Ameerikaanka ah ee “Newsweek’.

Mareykanka ayaa galay kaalinta 11,aad halkii uu markii hore ka ahaa kaalinta 1,aad, waxaana gudaha Mareykanka sara u kacay 15% dadka faqriga ah.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...