Mareykanka Oo Dab Kulul Kor Uga soo Daadiyey Dad Saarnaa Babuur Raaxo ah.

La Wadaag Asxaabtaada
Duqeynta oo dhacday maanta oo Khamiis ah xilligii duhurkii, ayaa waxaa lala beegsaday gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen illaa saddex qofood kuwaas oo mid ka mid ah uu ahaa mas’uul ka tirsan mid kamid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ugu caansan dalka Soomaaliya.
Xaqiiqonews.com-Wararka gudaha
Duqaynta ayaa ka dhacday inta u dhaxaysa deegaannada Goobaanlle iyo Baladul-Amiin, waxaana dad goobjoog ah ay sheegeen in dhammaan saddexdii qofood ee gaarigaas saarnaa ay dhinteen.
Mas’uulka ka tirsan mid kamid ah Shirkadaha isgaarsiinta Soomaliyeed ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Samad Sheekh Isxaaq, waxaana uu ahaa nin ganacsade ah oo si weyn loo yaqaano  islamarkaana ma’suul ka ahaa Laanta Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Goobaanle.

Labada nin ee kale ee lagu dilay duqaynta ayaa ahaa dad xoogsatta ah oo ka shaqaysan jiray qodista ceelasha biyaha laga cabo, waxaana la sheegayaa in xilliga ay diyaarada Maraykanka ah duqaynaysay ay kusoo jeedeen goob la doonayay in ceel biyood laga qodo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in laba kamid Enjineerrada ladilay ay ka yimideen degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool waxayna howl shaqo ceel qodis ah ka fulin rabeen deegaan katirsan Sh/Hoose.

Hoos ka akhri magacyada sedaxda qof ee duqeynta lagu dilay.

1-Cabdi Samad Sheekh isxaaq wuxuu ahaa Mas’uul katirsan shirkad isgaarsiineed

2-Cabdi Nuur Aaden wuxuu ahaa Eng. Ceelasha qoda oo ka yimid Tayeegloow
3-Cabdi Samad Xasan Yaroow wuxuu ahaa Eng. Ceelasha qoda oo ka yimid Tayeegloow
FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada