Mareykanka Oo Eeyihiis Kala Baxay Afghanistaan Xilli Saaxibadiisa Ay Fursad La’ Yihiin!

-

Muuqaalo baraha bulshada lagu baahiyey ayaa muujinaya eeyaha askarta Mareykanka oo boosas laga siiyey kuraasta diyaardda, xilli muuqaalo horay loo baahiyey lagu arkay dad ka soo dhacay diyaaradaha milatariga oo markii boosaskii ka buuxsameen ku daba dhagay diyaaradaha.


XAQIIQO NEWS – WARARKA DIBADDA

Caasimadda Kaabuul waxaa wili ka taagan jahwareerka ka dhashay isbadalka ka dhacay Afghanistaan, Mareykanka ayaana wili wado qorshaha daabulista ee shaqaalihiisii Afghanistaan.

Ururka Daalibaan ayaa isku dayaayo in xaaladda dajiyaan iyagoo cafis shuruud la’aan u ah u fidiyey dadkii la shaqeeyey ciidankii reer galbeedka ee waddanka iskaga baxay.

Eeyaha Ayaa Noo Muhiimsan !

Shaxda Mareykanka uu uga baxaayo Afghanistaan waxa ay dhalisay dood ku saabsan cidda Mareykanka u muhiimsan eeyihiisa mise shaqaalihiisa reer Afghanistaan kuwaasi oo Mareykanka ku gacan siiyey joogitaankiisa dalkaasi muddo ku siman 20 sanadood.

Sidoo Kale Aqri:Eeyaha Mareykanka Maxay Uga Daraja Sarreeyaan Sarkaalka Ilaalinaya?

Sawirro iyo muuqaalo baraha bulshada lagu baahiyey ayaa muujinaya Mareykanka oo eeyihiisa daabulaya, halka dadweynahii rer Afghanistaan lagu celinaayo garoonka diyaaradda Kaabuul

Mid ka mid ah dadkii falceliyey dhacdadan ayaa yiri “fikrad fiican ayaa ii soo baxday waligaa hala shaqeynin Mareykanka hadii aadan eey aheyn”.

Sawirka hoos waa diyaarad Milatari Oo Mareykanka leeyahay taasi oo boosas laga siiyey eeyaha.

Diyaarad Mareykanka leeyhay oo raxan eeyo ah ka saareysa Afghanistaan

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...