Mareykanka Oo Farmaajo U Diiday In Uu ka Qeybgalo Shirka Madaxda Islamka ee Istanbul

-

Madaxda Dowladaha Islaamka ayaa waxa uu shirk uga furmay Istnabul, waxayna madaxda ka doodayaan QaddiyadaFalastiin gaar ahaan Masiirka Qudus, Balse Madaxweyne Farmaajo ayaa ka baaqday Shirkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirkii degdega ahaa ee Magaalada Istanbul loogu qabtay madaxda dalalka Islaamka.

Sarkaal sare oo ka tirsan hawl wadeenada Villa Somalia ayaa sheegay in dawlada Maraykanka ay cadaadis ku saartay Madaxwayne Farmaajo in uu shirkaas ka baaqdo.

Sarkaalkaan oo diiday in magaciisa la sheego sababo shaqadiisa la xariira awgeed ayaa intaas ku daray in uu aad uga niyad jabay go’aanka madaxweynaha.

Si tan la mid ah ayuu Farmaajo bishii December ee sanadkii tegey cadaadis ku saaray ergeyga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Mudane Abuukar Daahir Cusmaan (Baale) in uu ka aamuso go’aanka dawlada Maraykanka ee lagu diidan yahay in ay Qudus noqoto caasimada Yuhuuda.

Inkastoo uu Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ugu hanjabay dawladii go’aankiisa ka hortimaada in uu cunuqabatayn dhaqaale saari doono ayaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay cod u qaaday 22//12/17 go’aanka Maraykanka uu safaaradiisa ugu rarayo Qudus, ka dib markii uu Maraykanku adeegsaday codka diidmada qayaxan ee veto power ka.

Ilaa iyo 128 dawladood ayaa ku gacan sayray go’aanka Maraykanka, halka sagaal dawladood ay taageereen Maraykanka, iyadoo ay 35 na ka aamuseen oo ay Somaaliyana ka mid tahay.

Abuukar Baale  oo ergeyga Somaliya u fadhiya Qaramada Midoobat ayaa Farmaajo u sheegay in uu doorbidayo in uu shaqada ka tago intii uu damiirkiisa khiyaani lahaa oo uu qadiyada Falastiin ka hiilin lahaa.

Madaxweyne Farmaajo Oo ah hogaamiya ugu sarreeya DF-ka ayaa heysta dhalasho Mareykan ah, waxaana arintaasi ay qeyb ka tahay Go,aanka Cajisan ee Somaliya ka qaadatay arinka Qudus.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Muuqaal..Maxay Rakaabkan Diyaaradda U Riixayaan?

Muuqaal ka mid ah kuwa ugu cajiibsan, dalka Nepal waxaa baraha bulshada lagu baahiyey diyaarad ay rakaabka dabada ka...

Hadii Aad Aragto Riyooyinkan..Dhaqso Dhaqtar U Tag

Khubarro ka tirsan xarunta "Sleep cycle center" ee fadhigeedu yahay gobolka Teksas ee Mareykanka ayaa sheegay in riyada ay...

Dilka Shacabka Oo Lagu Tartamaayo!

Rasaasta ciidanka Df-ka ayaa dishay 3 qof oo shacab ah gudaha magaalada Muqdisho, halka gantaal hoobiye ah oo ...

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...