36 Webseet oo xiriir la leh dowladda Iiraan, xisbullaah iyo Xuutiyiinta ayaa waxaa hawada ka saaray waaxda Cadaaladda Mareykanka, sida ku xusan ogeysiiska la arkaayo marka aad furto hilinkooda.
XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA
Websteeyadii Iiiran kuwooda ugu waaweynaa ee ku bixi jiray afafka carabiga iyo ingiriiska ayaa hawada laga saaray, sida Alalamtv, alkowthar, Aasiyatv, Karbala tv, Saabiriinnews, Falastiin alyowm iyo kuwa kale oo badan.

Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay xireen webseetyo jibiyey cunuqabateyna, webseetyada la xiray ayaa adeegsan jiray hillino(domains) ay leeyihiin shirkado Mareykanka ah.
Qaar ka mid ah webseetyada la xiray ayaa saacado gudahood dib ugu soo laabtay hawada iyaga oo adeegsanaya hillino cusub.
Webseetyada la xiray ayuu Mareykanka ku eedeeyey in ay xiriir la leeyihiin ilaalada kacaanka islaamiga ee Iiraan (IRGC).