Mareykanka Oo Isticmaalaya Tiknoolajiyad dhacday !… Aqriso Ka Dib Dheh “Run” ama…

-

Millatariga Mareykanka waa Kan ugu balaaran ee dunida oo dhan oo heysta Tiknoolajiyadaha ugu casrisan, waxa ay leeyihiin Robots biibaya oo awood u leh in cadowgooda harqiyaan, waxa ay leeyihin kombiyiitaro casri ah oo sameynaya fayrusyo dad wax yeeleyn kara, waxayna isticmaalan madaafiic Laser ah hase yeeshee maxaa is dhimay waa qodobka warbixinta maanta.

Xaqiiqonews-Technology

Mareykanka waa uu ka duwan yahay wax waliba oo aad u maleyn jirtay,  runtii ma ahan wax la inkirayo horumarka tiknoolajiyadeed ee uu gaaray, hase yeeshee xaqiiqdu waa ay ka duwan tahay sawirada quruxda badan ee sida joogtada quluubteena loogu sawiray.

Wili Millatariga Mareykanka waxaa uu la mid yahay kuwa dunida seddexaad hadii dhinacyadan laga eego, horumarkana waxaa uu u muuqdaa mid gaabis ah, tani waa natiijada laga dhaxlay sida caajiska ee dowladda aysan kaga horumarin isticmaalka aalado duq ah, oo laga soo gudbay, qeybta hoose ka aqriso qaar ka mid ah aaladaha duqa ah ee wili ka dhax buuxa xeryaha askarta Mareykanka.

M4 Carbine(Kaarbiin EM afar)
waxa uu ka mid ahaa qoryaha aas aasiga ah ee ay isticmaali jireen ciidanka Lugta Mareykanka, waxaana la isticmaalayey Qarnigii tagay, balse ma jiro wax badal ah oo lagu sameeyey marka la joogo Askarta Mareykanka.

Hadda dunida waxa ay isticmaashaa M4A1, oo leh awood dhicitaan oo darandooris ah islamarkaana leh xawaare sare, balse Mareykanka wili kii hore ayey ku dhagan yihiin sida Xaqiiqonews ay ka soo tarjuntay Website-ka arimaha millatariga ka faalooda ee Millatry.com

Microsoft Outlook
Ciidanka Mareykanka ayaa wili Isticmaalaya barnaamijka fariimaha la iskaga diro ee Microsoft Outlook, waxeyna fariimahooda ku diraan Outlook, kaasi oo ciladdiisa ugu weyni ay tahay Qaad yari(Low Storage), waxeyna qubarada tiknoolajiyadda ku doodayaan in Gmailka uu ka wanaagsan yahay kana casri san yahay Outlook-ga.

B61 Nucklear Bomb
Bombka nukliyeerka ee B16 ayaa waxaa uu yaalaa xarumo badan oo ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin Yurub.
Sida ay xaqiiqonews ay ka soo tarjuntay jornaalka wararka baahiya ee jarmalka ee lagu magacaabo Speigel.de, askarta mareykanka ayaaba haatan doonaya in ay sii cusbooneysiiyaan isticmaalka bombkan,  iyadoo hubkanina uu noday mid sii duqoobaya.

M9 Pistol (bistoolada EM sagaal)

Sida Kaarabiinka M4, ayey bistoladda M9 tahay mid duq ah, waxaana labadooduba  la isticmaalayaa muddo 25 sano ah, iyadoo hub ka casrisan dunida laga helo karo, hase ahaatee in ka badan 200,000 oo askarta Mareykanka ah waxa ay isticmaalan hubkani, waxaana jira cabashooyin badan oo askarta ay sameynayaan.

Barnaamijka Muuqaalka ee Milatariga ku shiro( Videoconferencing Tool)

Barnaamijka muuqaalka ah ee ay ku shiraan Milatariga  ee loo yaqaan Videoconferencing Tool ayaa waxaa  isticmaala Pentagon-ka.
Markase la fiiriyo sida uu ku doodaayo nin horay uga tirsanaa sirdoonka ciidanka cirka Mareykanka oo lagu magacaabo Adam Simmons, barnaamijkani waa mid duq ah oo wili aan helin wax cusbooneysiin ah.

Simmons waxaa intaasi ku daray “Barnaamijkani waa mid la isticmaalaayo muddo ku siman 15 sano, balse hadda waxaa ka tayo fiican kaamirada caadiga ah ee Kombiyuutarada(PC WebCam), waxaana ka tayo wanaagsan muuqaalada la iskugu diro baraha bulshada dadka caadiga ah isticmaalaan”

Iyadoo ay ugu wacan tahay qataraha xagga amniga ah, wey adag tahay in waaxda difaaca ay isticmaalaan baraha bulshada balse Simmons waxaa uu leeyahy “waxaa jira barnaamij xariirin ah oo lagu magacaabo Adobe connect”  waxaase arinka xumeeyey markii la ogaaday in askarta Mareykanka iyo shaqsiyaadka dowladda u shaqeeya aysan wada fahmi karin isticmaalka barnaamijkan cusub Adobe connect

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...