Mareykanka Oo Ku Hajnabay in Uu Cagta Marin Doono Ciddii U Soo Dhawaata Deegaanka “Lambar 51”!

-

Waxaa jira Xerooyin Sir ah oo ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka, waxaana ka mid ah goobahaasi deegaanka “Lambar 51” ee dhacda Gobolka Navada ee Mareykanka.


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

“Waxaa ku nool, oo halkaasi lagu heystaa noolayaal Cirka ka soo dagay” fikradaasi iyo waxyaalo kale oo quraafaad ah ayey dadku ka aaminsanyihiin xeryaha Mareykanka ee aan loo ogoleyn in uu qof u soo dhawaada sida xerada deegaanka “51”.

Haddaba iyada oo laga duulayo sheekooyinka Quraafaadka ah ayaa waxaa Koox ku wada tirsan Qol Facebook-ga ka mid ah waxa ay soo jeediyeen fikradda ah in la abaabulo koox “Xoog ku gal ah” oo soo badbaadisa noolayaasha-cirka ka yimid ee xerada lagu heysto.

In ka badan Hal Milyan oo qof ayaa carabaabay rabitaankooda ku aadan ka qeyb noqashada xero-taraarka lagu qaadi doono Deegaanka “lambar 51”.

Ciidanka Mareykanka ayaa si kulul uga jawaabay dadka Isku abaabulaya xero-taraarka iyagoo ku hajnbay in ay adeegsan doonaan wax walbo oo lagu difaacayo xerada “Lambar 51” ee dhacda gobolka Nevada ee ka tirsan Gobolada Midobaay ee Mareykanka.

Sidoo kale Aqriso:11 xaqiiqo oo aadan ka ogey mareykanka ma rumeysan-kartid.

“Deegaanka Lamabar 51” waxaa uu ka mid yahay Xeryaha Milatari ee sida aadka ah loo ilaaliyo, waxaana halkaasi lagu tababaraa ciidanka Cirka Mareykanka, balse Dadweynaha Mareykanka ayaa aaminsan in ay jiraan waxyaabo badan oo qarsoon oo ka socda gudaha Lambar 51.

laura mcenroe, oo ah haweeney u hadashay Ciidanka Cirka Mareykanka ayaa tiri “Qof walbo waxa aan uga digeynaa duulaanka la abaabulaayo ee Lambar 51, halkaasi waxaa lagu tababaraa ciidanka Cirka, waxa ayna diyaar u yihiin in ay isticmaalaan wax walbo oo lagu difaacaayo Mareykanka iyo hantidiisa”.

Dadka is-abaabulay ayaa isku- balansaday xeradan sirta ah, 20-ka Septembar, waxa ayna u xiiso qabaan weerarka, howlgalkani oo loogu magac daray “Duufaanka Lamabar 51” ayaa u muuqda mid qabsoomi kara, weyna adagtahay sida la isku hortaago dadkani ka badan Milyanka qof.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...