Maraykanka ayaa la filayaa inuu safaaraddiisa ku furto dalka Israel bisha May, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah oo u waramay Reuters.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay sannadkii hore in Maraykanku uu aqoonsaday Yeruusaalem {Qudus} caasimadda Israel, wuxuuna bilaabay howgalo lagu wareejinaayo safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv.