Saalax Cabdi oo ah wiil uusan u dhameystirmin gu’iisii 9’aad, ayaa galabnimadii arbcada lagu afduubtay xaafadda Howlwadaag ee Baladweyne, iyadoo kooxda afduubatay ay dalbadeen madax furasho lacageed.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Sheekadan oo isoo xasuusisay filmikii Ameerikaanka ahaa ee “Ransom Film 1996” ayaa ku bilaabaneysa markii Saalax oo ka soo laabtay Iskoolka xilligii quraacda uu wadada kula kulmay nin bajaajle ah, kaasi oo Saalax ku qanciyey in uu la soo raaco bajaabta isaga oo iska dhigaya qof lunsan oo Saalax ka dalbanaya in uu u geeyo dukaanka aabaahiis, madaama Saalax aabihiis uu yahay nin ganacsade ah.
Bajaalaha Waxa uu Saalax geeyey guri, dabadeedna xirxiray, waxa uuna durbadiiba Sawirrada la wadaagay Saalax aabihiis, isaga oo dalbaday lacag dhan $7000 oo doolar.
Cabdi Maxamuud ayaa ku micneeyey “daqiiqado aad u murugo badnaa”, markii daqiiqad daqiiqad loola wadaagayey sawirrada wiilkiisa oo xirxiran iyada oo loogu hanjabay in dilil doono wiilka hadii uusan saacado gudahood ku bixin lacagta laga dalbaday.
Aabaha waxa uu sheegay in lagala soo xiriiray lambar What app oo uu ku tilmaamay “mid aan raad raac laheyn”.
Cabdi Maxamuud ayaa ugu dambeyn kooxda heshiis la furay, ka dib qiimo dhimis $2000 doolar ah oo loo sameeyey waxa uu ka codsay in ay la wadaagaan halka lacagta loogu keenaayo, kooxdii ayaana dalbatay lacagta in loo soo shuba, waxa ayna ku ballamiyeen garaashka “Xaaji Quuroow”
Nasiib wanaag, qorshihii afduubayaasha ayaa burburay markii xilli dambe oo maqribkii aheyd, koox dhalinyarro ah oo wiilka raadineysay ay ka shakiyeen guri loo maleynaayey in canuga lagu heysto.
Taliyaha Saldhiga Galbeed Dhame Siraad Cumar Xiish oo warka Lasooo gaarsiiyay ayaa durbadiiba Ciidamo boolis ah u diray guriga sidaas ayaana lagu Soo badbaadiyay cunigii laguna Soo Qabtay ninkii afduubka u heystay.