Markii Trump Laga Qaaday Boorsadii Nukliyeerka..Waa Tee Boorsada Kale Ee Uu Sii Qaatay!

-

Mareykanka ayaa doonaya in uu iska soo xiro buugii Trump kaasi oo afartii sano ee ugu dambeysay laga buuxiyey qaladaad siyaasadeed oo gudo iyo dibadba leh.


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

Warka: Caawa waxa soo xirmaya afar sano oo Trump uu aqalka dhax fadhiyey, sidoo kale waxaa caawo Mareykanka laga caleemo saaray Biden..Trump ayaa aqalka cad iskaga baxay.

Dhammaantiisa: Waa kan Trump oo si caga jiid ah aqalka cad uga baxaya waxaana laga qaaday boorsadii nukliyeerka,hase yeeshee waxa uu gacanta ku sitaa boorso kale .. waxa uu horay u sii qaatay boorso ay ka buuxaan dambiyo, xadgudubyo iyo tacaddi ka dhan ah bani’aadamka oo uu ku gacay intii aqalka cad joogay.

Sidoo Kale Aqri: Xaqiiqooyin Kaa Nixinaya Oo Ku Saabsan Boorsada Madow ee Trump

Trump- oo u muuqda sawirka dhabta ah ee siyaasadda Mareykanka- ayaa iskaga tagay aqalka cad isaga oo aan dareemeynin wax cabsi ah,Trump ayaa aqalka cad ka sii qaatay boorso ay ka buuxaan hantida shacuubta dulman isaga oo xukun dheereysi uga badashay khiyaanoolayaal iibsaday qadiyadaha dalalkooda.

Trump ayaa iskaga tagay aqalka cad, isaga oo boorsadiisa ku sii qaatay askartii Mareykanka ee Soomaaliya ka joogtay, Trump ayaa iskaga tagay aqalka xilli gudaha Mareykanka ay ka taagantahay dhibaati dhaqaale iyo mid caafimaad oo ka dhalatay safmarka Karoona Fayrus.

Trump ayaa iskaga tagay aqalka, isaga oo dunida tusay wajiga dhabta ah ee dimuqoraadiyadda Mareykanka.

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...