Hadii Sacuudiga uu ahaa waddan lacag leh, maanta ka duwan sidii hore, waxaana laga digayaa xaalad dhaqaale oo ku soo wajahan wadankan muxaafidka ah, waxa uuna hadda deyn qaadanayaa lacag dhan 11 bilyan oo dollarka Mareykanka.
Xaqiiqonews.com-Wararka Dibadda
Website-ka ka faalooda dhaqaalaha ee Bloomerg ayaa qoray in Sacuudiga uu wado qorshe ah “deyn qaadasho” arinkaasi oo qeyb ka ah dhaqaale u aruurinta qorshaha Ibnu Salmaan ee loogu magac daray “Hiigsiga 2030”.
Sida ay qoreen Warbaahinadii wax ka qoray “Heshiishkan”, waa markii ugu horeysay ee waddankan gacanka carabta ka tirsan uu qaato dhaqaale deyn ah.
Bankiyada ku lug leh amaahdan waxaa ka mid ah Standard Chartered, BNP Paribas, HSBC, Societe Generale, Mizuho Financial Group, Agricole Credit, Bank of America, Bank of China, iyo kuwa kale oo badan.