Markii Uu Dhammaado ShidaalKa Qorraxda..Maxaa Dhulka Ku Dhacaya?

-

Qoraxda ayaa ah halbowlaha gubanaya kaasi oo shidaalka siiya nidaamka cadceeda( solar system), laakiin sida ay saadaalinayaan khubarada shidaalka xiddigan oo sii dhammaanaya ayaa gabi ahaanba la waayi doono qiyaastii 5 Bilyan oo sano ka dib.


XAQIIQO NEWS- XIDDIGISKA

Markii sidaasi ay dhacdo, qorraxda ayaa mari doonto nidaam “burbur ah”, waxa ayna ka soo bixi doontaa dhinaca kale iyada oo yar oo u muuqata sida mid cawiran.

Intaasi ka hor, marka qorraxda ay mareyso nidaamka dhexe ee loo yaqaan “Casaanka Weyn” kolkaasi oo qoraxda ay isku badali doonto gaduud, ayaa noqon doonto xaalad walwal abuuri doonto, si kasto oo noolashu ay noqoto balaayiin sano ka dib.

Dr Mark Morris oo ah bare cilmiga xiddigiska ka dhiga jaamacadda Kalifoorniya waxa uu leeyahay “saadaasha waxa ay tilmaameysaa in 5 bilyan oo sano ka dib qoraxda ay barari doonto oo ay noqon doono “gaduud weyn”

Sidoo kale Aqri: Naagtii Faalisa Rer Bulgeria Oo Sanadka 2021 Cudur Cusub Saadaalisay

Sidaasi oo ay tahay gaduudka weyn ma noqon doono mid u kulul sida qorraxda maanta.

Morris waxa uu leeyahay “xiddiga sidaas u weyn waxa uu noqon doono mid lala yaabo, maxaa yeelay waa qabow, gaduud kulul ama gaduud, buluug kulul ama jaalle u kulul sida qoraxdeena oo kale.

Saynisyahanada ayaa aaminsan in casaanka weyn uu sababi doono hawo taasi oo keeneysa in qoraxda uu dibadda uga soo baxo boor badan, markaasi oo la arki doono qoraxda oo cawiran kana soo baxeysa dhinaca kale.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...