Maxaa Axmed Madoobe Cabsi Gelinya Oo Ka Socda Xeebaha Kismaayo?

La Wadaag Asxaabtaada

Xilli Mareykanka uu boorsadiisa ka xir xiranaayo Soomaaliya, Dhanka kale Turkiga ayaa isku balaarinaya qeybo badan Oo Soomaaliya Ka mid ah, waxaana meel u dhaw xeebaha Kismaayo dhawaan gaaray ciidamada badda Soomaaliya ee Turkiga tababaro.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Dhawaan diyaarad nooca xamuulka qaada ah oo Turkiga laga leeyahay lambarkeedu yahay TUAF771, ayaa ciidamo ka tirsan kooxda Gorgor ka dejisay gobolka Gedo ee dhaca xaduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Arintaasi oo kaliya walwal kuma heysa Axmed Madoobe, Axmed Madoobe ayaa dareemaya qatar kaga imaan karta xeebta Kismaayo oo meelo u dhaw ay ku suganyihiin saraakiil ka tirsan ciidanka badda Turkiga oo halkaasi ku tababaraayo ciidamada badda Soomaaliya.

Ciidanka badda Soomaaliya oo ku tababaranaya xeebaha koonfureed ee Bedweyne Hindiya
Ciidanka badda Soomaaliya ee Turkiga tababaro oo ku sugan xeebta

Mustaqbalka Axmed Madoobe

Mar waliba oo xiisadda Kenya iyo Soomaaliya kor u sii kacda waxa ay Madoobe uga dhigan tahay “hoos u dhac”, laakiin taasi kama dhignadhamaadka Axmed Madoobe.

Dhinaca kale ka bixitaanka Mareykanka ee Soomaaliya iyo is-balaarinta Turkiga- oo warar qaar xitaa sheegayaan in drones badan uu u soo daabulay Soomaaliya- waxa ay albaab mugdi ah u fureysaa mustaqbalka Axmed Madoobe oo hadda la sheegaayo in uu isku diyaarinaayo dagaal jabhadeyn ah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada