Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

-

Sida balantu tahay go’aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada 12-ka bishan, waxaana dadka is weydiinayaan waxa dhici kara go’aanka ka dib.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Guusha Soomaaliya ay gaartay ka hor inta aysan maxkamadda ku dhawaaqin waxaa ku dhawaaqday Kenya oo sheegtay in go’aanka maxkamadda uu yahay mid Soomaaliya ay dan ugu jirto.

Haddaba hadii go’aanka maxakamadda noqdo sida labada dhinac saadaaliyeen oo ah in Soomaaliya loo xakumo seddex xagalka lagu muransan yahay maxay tahay tallaabooyinka laga filanaayo in ay sameeyaan labada dal.

Go’aanka Soomaaliya

Admiral Faarax Qare oo ka mid ah guddiga DF-ka Soomaaliya u xil saartay dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in Kenya ay iyadu muran gelisay badda Soomaaliya taasina ay keentay in maxkamad la aado, sidaa darteedna aan laga aqbali karin Kenya waan ka baxay maxkamada.

Mar wax laga weydiiyey go’aanka Soomaaliya qaadan karto hadii loo xukmiyo badda waxa uu ku jawaabay “Soomaaliya waxay leedahay dowlad, tallaabada ay qaadi doontana way caddahay, waxaana la sugeynaa waqtigeeda marka la gaaro”

Go’aanka Kenya

Kenya waxa ay ku wareersantahay go’aanka u fiican ee ay qaadan karto hadii badda loo xukmiyo Soomaaliya, waana taas sababta ay Kenya geed dheer iyo mid gaaban ugu fuushay sidii loo baajin lahaa go’aanka maxkamadda.

Dhabta marka loo hadlo Kenya waxa ay tamarteeda oo dhan ku bixisay baajinta go’aanka maxakamadda sidaa owgeed Kenya wax tamar uma harsana , hadii lagu dhawaaqo go’aanka waxa ayna u muuqan doontaa sida “Waraabe waaga ku beryey”.

Sidoo Kale Aqri: Muranka Badda Somalia iyo Kenya Oo Ku Kala Nastay 3 iyo 0.. Waa Tan Faafaahinta

Walwalka Kenya kuma koobna oo kaliya kheyraadka ku jira seddex xagalka lagu muransan yahay, sidoo kale Kenya waxa ay cabsi qabtaa mustaqbalkeeda laxariira isticmaalkeeda badweynta Hindiya, oo hadii Kenya ay weyso seddex xagalka waxa ay u muuqan doonto sida wadan dhul xiran”.

Sida ay warbaahintoodu qoreyso waxaa laga yaabaa in Kenya ay la soo shirtagto go’aano lagu qoslo, sida in ay yiraahdaan “aan isla wadaagno kheyraadkiina” .

Waxaa kale oo dhici kara, Kenya iyada oo ka faa’ideysaneysa khilaafka gudaha ee siyaasiyiinta Soomaaliya in ay heshiisyo qaroosdi iyo laaluush ku bixiyaan sidii Kenya ay u sii heysan laheyd goobta seddex xagalka lagu muransan yahay oo hadda ay iyagu gacanta ku haayaan.

Warka Wanaagsan

Isku soo duub, inkastoo caqabado badan ay ku hareereysan yihiin labada marba waxaan ula jeedaa go’aanka maxakmadda ka hor iyo ka dibba, warka wanaagsan ee Soomaalida dhagaha u taagayaan waxa uu yahay in ay maqaalaan go’aanka garsooraha oo aqrinanya lahaanshaha Soomaaliya ee goobta Kenya ay murunka gelisay.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...