Maxaa Gabadhani Yar Loogu Bixiyey Karoona?

-

Sheekada Karoona ayaa u muuqata mid bulshada mashquulisey, heer dad qaar ay la soo baxeen dhaqamo iyo ficilo cajiib ah, arintii ugu yaabka badneyd waxaa ku kacay qoys Hindi ah oo gabdhooda cusub u bixiyey magaca “karoona”


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Qoyska dhacdadan sameeyey ayaa ku dooday in sababta gabdhooda magacan baas ugu bixiyeen in ay tahay “sama saadsi”,iyo in laga fiiriyo dhanka wanaagsan ee cudurka, madaama cudurkani dadaalkiisa uu mideeyey dunida oo dhan.

Qoyska oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay rajeynayaan in gabadhooda ay noqoto calaamadda midnimada ee mideyn laheyd Hindiya si loola dagaalamo xumaan oo dhan.

Karoona habaryarteed oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in cunugtani yar la dhalay waqti Hindiya ay ku jirtay xaalad bandaw ah, taasi oo ku qasabtay in ay dhib badan kala kulmaan markii hooyada loo waday Isbitaalka dhalmada.

Sidoo kale Abtiga Cunugtan ayaa isna carabka ku dhuftay in uu filnaayo in gabarta walaashiis ay noqoto midnimada Hindiya, isagoo adkeeyey in gabdhani ay dhalatay waqti Dalka Hindiya uu ku jiray dagaal mideysan oo ka dhan ah Karoona.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...