Maxaa Iska Badala Caqliga Dadka Karoona Ka Bogsaday?

-

Saynisyahano ku sugan London iyo jaamacada Kaambariij (Cambridge University) ayaa shaaca ka qaaday hoos u dhac weyn oo ku yimaada caqliga iyo garaadka dadka ka caafimaaday Karoona Fayrus.


XAQIIQO NEWS – CAAFIMAAD

Baaritaanada ka soo baxay cilmi baaristan ayaa lagu baahiyey majaladda Caafimaadka wax ka qorta ee Laanset (The Lancet), waxaana tijaabada ka qeyb qaatay 81,337 qof, dadkaasi oo 12,689 qof oo ka mid ay ahaayeen dad la soo xanuunsaday Karoona heerarkiisa kala duwan.

Tijaabada ayaa aheyd “Shaqo qabasho” looga gol lahaa in lagu ogaado heer garaadka garashada, natiijada ayaa muujisay dadka xanuunka karoonaha uu ku dhacay – oo ay ku jiraan xitaa dadkii caalamadahooda fududaayeen- in ay qabaan mushkilo ka heysta shaqo qabashada marka loo barbardhigo kuwa uusan Fayruska asiibin.

Sidoo Kale Aqri: Ogow Nooca Caqliga Ee Canugaada..Afar Nooc Oo Caqli Ah

Heerka hoos u dhaca garaadka ayaa sida la sheegay ku xirneed heerka cudurka, waxaana la ogaaday in dadkii u baahday qalabka neefsiga uu hoos u dhacay garaadkooda 7 dhibcood.

Goor sii horeysay Khubarro Bayoolaji oo ka socday isbitaalka jaamacadda Shaartii (Charité University) ee ku taala jarmalka ayaa ogaaday in Fayruska karoona uu galo maskaxda bani’aadamiga isaga oo sii maraya neerfayaasha uriska, taasi oo dhib u geysaneysa neerfayaasha waxaana ka dhalanaya madax xanuun, daal iyo dhibaatooyin kale oo maskaxda ku yimaada.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...