Maxaa Ka Dhacay Halkan?

-

Dilalka qorsheysan ee dumarka loogu geysanaayp gudaha Soomaaliya ayaa sii badanaya, waxaana dhacdadii ugu dambeysay ay ka dhacday degmada Kaxda ee gobolka Benaadir.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDHAA

Meydka qofka dumarka ah ee lagu arkay Kaxda ayaa ahaa mid uu ka muuqday jirdil iyo gowrac, mana jirta cid aqoonsatay ilaa hadda.

Subaxnimadii Sabtida waxaa baraha bulshada lagu baahiyey sariir, joodari iyo dhar uu ka muuqdo dhiig, kuwaasi oo la soo dhigay xaafadda dharkiinleey oo sidaas uga fogeyn goobta meydkan cusub lagu arkay.

Sidoo kale Aqri: Maxay Arintani Mar Walbo U dhaceysaa?

Dilalka noocan ah ayaa joogto ka noqday magaalada Muqdisho iyo meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, dadka waxa ay arkaan oo kaliya dhacdooyinka laakiin ma jirto cid sababta og.

Dadka qaar ayaa mushkiladda ku tilmaamay “mashruuc” ay maalgelinayaan dad gaar ah, waxa ayna farta eedda ku fiiqayaan hay’daha xaquuqda u dooda kuwaasi oo sida lagu eedeeyey mashaariic ku qaata dilalkan iyo sheekooyinka laga sameeyo.

Marka laga soo tago eedeynta aan caddeymaha laheyn, ma jiraan baaritaan dheeri oo dhincyada ku shaqada leh ay sameeyaan ama ugu yaraan lama fisho natiijo ka soo baxda oo dadka lala wadaago.

Wararka U Dambeeyey

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...