Maxaa ka Jira In Alshabaab Qarrax ay Iyagga meel dhigeen dowladda ku soo wargeliyeen#dhagar cusub

La Wadaag Asxaabtaada

Xarakada Alshabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, sarkaal katirsan Xarakada ayaa Saxaafadda u xaqiijiyay in gaari si xirfadaysan loogu xiray walxaha qarxa ay dhigeen degmada Wadajir kadibna si dhagar ah ciidamada Dowladda Federaalka loogu wargeliyay in gaari miinaysan uu goobta yaal.
Daqiiqado kadib waxaa gaariga baaritaano ku sameeyay saraakiil katirsan Miina Baarista DF-ka, markii ay dhan walba ka baareen gaariga oo ay ka waayeen walxaha qarxa ayay u yeereen saraakiil Caddaan ah oo kasoo amba baxay xerada Xalane.
 Intaas kadib Maxaa Dhacay?.
Saraakiisha Caddaanka ah oo ay la socdaan kuwa Soomaali ah ayaa gudaha ugalay gaariga oo walxaha qarxa si xirfaydaysan loogu xiray kadibna waxaa qabsaday qarax aad u xooggan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Wadajir,Dharkeynleey iyo Hodon.
Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in qaraxa ay ku dishay saraakiil Caddaan iyo Soomaali ah islamarkaana ay ka gaartay hadafkii ay ka laheyd balse saraakiil u hadashay dowladda ayaa sheegay in qarraxa la fashilyey iyadoona qarraxii maanta ay ku dhinteen 2 boolis ah io askari ka tirsana NISA sida ay sheegeen saraakiil dowladda ka tirsan oo saxaafadda la hadlay.
Mas’uuliyiin Katirsan Wasaaradda amniga iyo Sirdoonka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku dhawaaqay in magaalada caasimada ah amnigeeda sugayaan islamarkaana ay ka hortagayaan qaraxyada iyo dilalka waxaana muuqata in ballan qaadayadaasi ay noqdeen kuwa madhalays ah oo aysan waxba kasoo naasa caddaan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada