Maxaa Ka Jira In C.qeydiid Xaaskiisa Musqusha Loogu daba galay#xog

-

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Nabad sugida Soomaaliya ay gudaha u galeen Guriga Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka, sidoo kalena ah Guddoomiyaha Gudiga dastuurka ee Labada Aqal.

Ciidamadan oo aad u badan ayaa galay guriga waxayna ka bilaabeen baaritaan sida ay sheegayaan xogaha aan heleyno, wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ay xoog ku galeen Guriga.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeyso dhacdada hase ahaate Xildhibaan Mahad Salaad ayaa Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu kaga hadlay weerar gelinkii danbe ee maanta Ciidamo ka tirsan Dowladda ay ku qaadeen Guriga uu Muqdisho ka degan yahay.

Sawiro laga helay Guriga ayaa muujiyay in si xoog ah loo baaray gaar ahaan qolalka Jiifka iyo waliba fadhiga.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in Qorshahan uu yahay Fool xumo maalmihii u danbeeyay ay ka digayeen.

Dhanka kale warar hoose oo ay heshay shabakadda baahisa wararka qarsoon ee xaqiiqonews ayaa sheegaya in dableyda weerarka qaatay ay xoog ku galeen musqul ay ku jirtay xaaska cabdi qeydiid arintaasi oo fadeexad weyn ah.

si kastaba ha ahaate dowladda soomaaliya ayaa iska diiday falkan iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajouu amar ku bixiyay in Baaritaan deg deg ah lagu sameeyo waxa uu ugu yeeray”falkii sharcidarada ahaa” ee lagu galay Hooyga Senator Cabdi Qaybdiid.

Qoraal la soo dhigay Barta Twitterka Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Falkaan cidii ku lug yeelata lala tiigsan doono sharciga,madaxweynaha ayaa amarkaan siiyay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...

3 Weedh La Dhibsado Oo Ay Tahay In Aad Iska Ilaaliso Marka Aad La Kulmeysa dadka

Waxaa kale oo loogu yeeri karaa "kalmadaha isticmaalka laga badiyey" ama erayo kale hadii aan ku sheegno "nahdii ayaa...