Maxaa Ka Jira In Calanka Somalia Mareykanka Laga Soo Xaday ? Sheeko qarsan

-

Warbixinta Hoose waxaa qoray qofka hoos ku saxiixan, Waxaana faafiyey Shabakad taageerta Maamulka Somalilnd, doorka Xaqiiqonews ayaa ah soo gudbinta wararka hoose ee qarsoon,ee u jeedka ma ahan dhiirigelinta waxa hoos ku qoran.

Calanka Bluuga ah ee   Dawladda Federaalka Somalia  astaanta ka dhigato  waa calan hore u jiray oo   loo yaqaanay “Bonnie Blue Flag”.

Waa   calan  uu lahaa Confederate States of America  bilowgii dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Maraykanka .

Bonnie Blue Flag wuxuu  ka koobnaa  hal xiddig  oo cad  oo ku taalla  aag buluug ah.  Isticmaalkii ugu horeeyay ee calanka Bonnie Blue Flag wuxuu ahaa 1810 markii loo isticmaalay inuu metalo Jamhuuriyadda West  Florida  oo ka koobnayd  Alabama, Mississippi  iyoEast Louisiana,  oo ka soo horjeestay xukunkii Isbaanishka “ Spanish Rule “.

Kacdoonkaas waxa  lagu afduubay Guddoomiyahii  Gobolka  Mr.  Baton Rouge. Madax-bannaanida Jamhuuriyadda West Florida   ayaa socotay muddo saddex bilood ah  waxaana  lasoo afjaray  markii la sii daayay  dhulkii lagu muransanaa ee dhul-beereedka ahaa  oo lagu kala iibsaday  heshiiskii Louisiana Purchase. 

Taariikhdu markay ahayd 1836  waxa calanka “ Bonnie Blue Flag”   mid la mid ah oo loo bixiyay “ Barnet Flag “ samaystay  Congress of the Republic of Texas.  1861  waxa  Bonnie Blue Flagastaan rasmi ah ka dhigtay   Confederate States of America.

  Sannadkii 2007 mid ka mid ah lixdii   calan  oo ka hadhay   “ Bonnie Blue Flags  “ waxa   lagu kala iibsaday   xaraash  ka dhacay Texas  qiimo dhan  $ 47,800 “  

Gunaanad: Hadaba,  akhhristayaal,  waxaan halkan idiinku soo gudbinyaa Calankii “ Bonnie Blue Flag “    asagoo Sawir iyo Muqaalba  ah “  Photo & Video Clip “ . Waxa cad  in Calanka  Dawladda Federaalka Somalia  ee leh  Xiddiga  iyo Aaga Bluega   uu yahay Calankii  Bonnie Blue Flag  oo ay u kala danbeeyeen  Republic of West Florida ,1810   iyo Confederate States of America  1861 .

Ali Ibrahim Jama , Baqdaadi, Toronto.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...

3 Weedh La Dhibsado Oo Ay Tahay In Aad Iska Ilaaliso Marka Aad La Kulmeysa dadka

Waxaa kale oo loogu yeeri karaa "kalmadaha isticmaalka laga badiyey" ama erayo kale hadii aan ku sheegno "nahdii ayaa...