Maxaa ka Jira In Dayniile Xarumaha Dowladda Ugu Muhiimsan Loo soo wareejinaayo#sababta

La Wadaag Asxaabtaada

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abukar Islow (Ducaale) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo ay wehliyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiin ayaa maanta kormeer ku tagay degmada Dayniile.
Kormeerkan ayaa ahaa mid ay ugu kuur galayeen xaalada amni iyo mid bulsho ee ka jirta degmada Dayniile oo ah meel aana madaxda dowladda iyo mas’uuliyiinta kale deganeyn, sababo amni awgeed.
Booqashadani oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ayaa waxa ay wararku sheegayaan in loogu dan leeyahay in la indhadheeyo xaaladda degmada madaama gudoomiyaha gobolka uu daneeynaayo in xarumo muhiim uu ku soo wareejiyo degmada.
Dayniile waa degmo dhacda cirifka waqooyi ee muqdisho waxaana daggan beesha mursade/hawiye ee uu ka soo jeedo ra,iisal wasaaraha sidoo kalane ay ka soo jeedo haweeneyda uu qabo madaxweynaha.
sidoo kale reer dayniile ayaa abtiyaal u ah gudoomiyaha gobolka benadir arintaasi oo degmada ka dhigtay mid muhiim ah.
waxaana lagu wadaa in degmada dayniile ay marti geliso todobaad damaashaad ah oo ay halkaasi wada imaan doonaan madaxada dowladda sida madaxweynaha oo xaaskiisa ay dayniile ka soo jeedo ra,iisal wasaaraha oo isagaba rer dayniile ah iyo gudmmiyaha gobolka oo hooyadiis ay reer dayniile tahay.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada