Maxaa Ka Jira In DF-ka Ay Xiri Rabto Axmed Madoobe?

-

Waxaa socdo isbadaladii ugu dambeeyey ee Df-ka ay ku dooneyso in ay kula wareegto gacan ku heynta magaalada Kismaayo oo ay hadda ka taliyaan ciidamo taabacsan maamulka Jubbland.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay Amisom in la geeyo magaalada Kismaayi Ciidamo Itoobiyaan ah , si cadaadis loo saaro Axmed Madoobe oo hadda garabsanaya Ciidanka Kenya.


Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku howlgelaya magaca AMISOM ayaa lawareegay gacan ku heynta garoonka diyaaradaha caalamiga Kismaayo halka ciidamadii Kenya ee ku sugnaa ay udhaqaaqeen dhanka dekadda caalamiga magaalada.

Sidoo kale Aqriso: ka-dib-markii-uu-labada-garab-ka-jabay-axmed-madoobe-hadda-waa-sidee?


Garoonka Kismaayo waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada Itoobiya iyo saraakiil caddaan American ah oo qeyb ka jooga garoonka halkaas oo ay ka maamulaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee duqeymo ka geysta Jubbooyinka.


Khamiistii lasoo dhaafay ayay ciidamada Itoobiya dhaq dhaqaaqyo Melleteri ka sameeyeen duleedka magaalada Kismaayo tallaabadaas oo ujeedkeedu ahaa in Axmed Madoobe lagu qalqal geliyo.


Ciidamada Itoobiya oo wata 28 gaari iyo hub culus ayaa lagu arkay gudaha iyo hareeraha Kismaayo, dad ku sugan Jubbada Hoose waxay sheegeen in Abiy Axmed oo ay isku dhowyihiin Farmaajo uu doonayo in Hoggaanka maamulka ‘Jubbaland’ uu qabto nin ay wadato dowladda Federaalka si lamid ah wixii ka dhacay Baydhabo horraantii sanadkaan kolkaas oo ciidanka Itoobiya ay xireen Mukhtaar Rooboow ayna kursiga maamulka Koonfur galbeed ay ku fadhiisiyeen nin ay wadato dowladda Soomaaliya. 

Wararka U Dambeeyey

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...