Maxaa Ka Jira In Farmaajo Uusan Aqoon Qabiil?!!

La Wadaag Asxaabtaada

Senator Saciido Xasan Cusmaan  oo ka tirsan Aqalka Sare kana jeeda Gobolka Sanaag ayaa ku eedeysay madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu colaad gaara u hayo beelaha qaarkood.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Iyadoo Warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayay sheegtay inuu Madaxweyne Farmaajo yahay qof qabyaaalad yaqaan, isagoo hortaagan muddo 2 sano iyo bar ah xilkii safiir ee ay lahayd Beesha Sanaag, waxayna caddeyn u soo qaadatay inuu Beeshiisa u magacaabay laba safiir, halka uu beesha Sanaag u diidan yahay xilkeedii.

Sidoo Kale Aqriso: Daawo Farmaajo Oo Ku Ciyaaraya Heesta KIKI!

Sida Xaqiiqonews ay sooo xigatay Senator Saciida waxay Soomaalida u sheegtay inay been tahay inuusan Farmaajo aqoon qabiil, waxayna caddeysay in dhibaatadda dalka ka jira iyo faragelinta maamul Goboleedyada ku socota uu wado Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Madaxweyne waxaad ogaataa in lagaa waayey wixii laguu qabay, Soomaali oo dhanna waa kugu hungowday.., ma doonayo in Somaliland iyo Somalia ay heshiiso, waxayna ka muuqataa Guddiga uu magacaabay, Puntland faragelin ayuu ku sameeyay, mana rabin in sidaas qurxoon wax u dhacaan..” ayey tiri Senator Saciiida.

Xigasho-Websiteyada Soomaalida.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada