Waxa si tartiib ah dunida ugu sii faafaya Isticmaalka Internet-ka Jiilka Shanaad 5G, laakinse dadka qaar ayaa leh “hayooy Kansar”
Xaqiiqonews-Caafimaad
Tan iyo sanadkii la soo dhaafay waxaa la isla dhaxmarayey in Internet-ka Jiilka 5aad ee loo yaqaan 5G uu keeno Cudurka Kansarka, gaar ahaan waxaa la faafiyey sheekada ah in shimbiro badan ay u dhinteen arintaasi.
Dalka Britain oo dhawaan laga shaqeeysiiyey internet-ka 5G ayaa waxaa dalkaasi dhanka kale ka bilowday oloe hal ku dhig loogu dhigay “Ka Jooji 5G UK” (Stop 5G in UK).
Khubarada ayaa waxaa ay leeyihiin Farakuwaansaha 5G (5G Frequencies) ma ahan mid ku filan in uu waxyeelo u geysto Unugyadeena.
Sidoo Kale Aqriso: Dunida-oo-markii-ugu-horeysay-laga-isticmaalay-internet-ka-5G
Internet-ka ayaa isticmaala Mowjado Farakuwaansa ah taasi oo dadka ku abuurtay cabsi ah in Farakuwaansaha uu waxyeeleeyo jirkeena.
Warka farxadda leh ayaa waxa uu yahay “5G waxa uu ku siinayaa xawaare Internet oo heer sare ah isaga oo aan wax yeeleynin jirkaada.