Wargeyska Faransiiska ka soo baxa ee “Le Point” ayaa warbixin ka qoray Dalab Aby Ahmed uu u gudbiyey Emmanuel Macron oo ku saabsan iisbiga hub lagu horumarinaayo ciidanka Itoobiya.
Xaqiiqonews-Wararka Dibadda
Wargeyska ayaa baahiyey Sawirka aby Ahmed iyagoo ku sheegay in Sawirkani ay ka soo qaateen khudbad rasmi ah oo Aby Ahmed uu u soo diray Macron 22 Bishii May ee isla sanadkan.
Hadalkani ayaa imaanaya ka dib markii Itoobiya iyo Faransiiska ay isla gaareen heshiis iskaashi oo millatari kii ugu horeeyey ee labada dal dhax mara,
Heshiiska ayaa dhigaya in Paris ay Adisababa ka saacidi doonto dhismaha ciidamada qalabkasida, dhanka cirka, tababarada iyo iiibinta hubka.
Sidoo Kale Aqri. Waa Tan Xogta Aadan Ogeyn ee Nukliyeerka Turkiga
Aby Ayaa ka codsaday Faransiiska 12 diyaaradaha dagaalka ee faransiisku sameeyo Mirage 2000, 18 Helikobtar, 2 diyaaradood oo kuwa ciidanka qaada ee Airbus, 10 diyaaradood oo Drone ah, iyo sidoo kale qalabka danabka mashquuliya ee loo yaqaan “electronic jamming systems.”
Intaasi waxaa dheeri ah Aby Ahmed ayaa dalbaday 30 Gataal oo ah nooca M51, kuwaasi oo gaari kara 6 kun oo Km.waxaa kale oo uu dalbaday madaxyo Nukliyeer ah.
Wargeyska ayaa sheegay in dalabka Aby Ahmed ee madaxyada Nukliyeerka uu yahay “mid sharci darro ah” maadaama Itoobiya iyo Faransiiska ay ka mid yihiin dalalkii saxiixay heshiishka “Xakameynta Nukliyeerka”.