Maxaa Ka Jira In La Soo Helay Maadada Qarsoon ee Aduunka?

La Wadaag Asxaabtaada

Sayanisyahanada ayaa horay u aaminsanaa in 40% waxyaabaha ay ka sameysanyihiin, xidagaha meerayaasha iyo Galaksiska(Galaxies) ay ahaayeen waxa aan la ogeyn, maantase saynisyahanada markii ugu horeysay ayey shaaciyeen kalka ay ku qarsantahay maadadani qarsoon.


XAQIIQO NEWS- SAYNIS- XIDDIGISKA

Horay waxaa loo aaminsanaa in waxyaabaha caadiga ah ee ay ka sameysan tahay walxahaaan aragno maalin walbo 40% aan la ogeyn waxa ay ka sameysanyihiin.

goor dhaw koox ka tirsan machadka baarisyahada cilmiga ee Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in maadada qarsoon ee aduunka ay ku dhax jirto dumanka shabakadda aduunka weyn ee loo yaqaan ” cosmic web.”.

Sidoo Kale Aqri..Dhagaxa Socda..Saynisyahanno Fasiray Dhacdadan Cajiibka Ah

Cilim baaristani oo la shaaciyey maalinkii jimcada ee la soo dhaafay, ayaa saynisyahanadu ku sheegeen in baaristani ay timid ka dib xog aruurin la diwaangeliyey muddo 20 sanadood ah.

Waa Maxay Shabakadda Aduunka (cosmic Web)?

Kalmadda Shabakad aduun (Cosmic web) waa eray ay saynisyahandu adeegsadaan marka ay doonayaan in ay sharaxaad ka bixiyaan qaab dhismeedka aduunka.

Kooxda Faransiiska ee Cilmi baarista, iyaga oo adeegsanaya raajo, waxa ay ogaadeen in dumanka ku jira shabakadda aduun ay ka koobanyihiin tiro badan oo ah hawo kulul, sidoo kale qaab dadka oo dhan ay u arki karaan dumankaasi ayaa ka kooban waxa loo yaqaan “maadada qarsoon” (hidden matter).

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada