Maxaa Ka Jira Qadra Dhicis Oo Loo Diiday In Ay Ku Umusho Isibtaalka Wardi?

-

Waxaa si dhaqso ah baraha bulshada ugu faafay sheeko ku saaban gabar lagu magacaabo Qadra Maxamuud Dhicis oo loo diiday in ay ku umusho Isbitaalka Wardi.

Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Qadra Maxamuud Dhicis ayaa sida la sheegay waxa ay timid Isbitaalka Wardi, iyadoo dalbatay in laga umuliyo, hase yeeshee shaqaalaha isbitaalka wardi ayaa arintaasi ku gacan seyray, taasi oo ugu dambeyn keentay in hooyo Qadra ay ku umusha afaafka hore ee Isbitaalka.

Arinta waxa ay isku shareertay cirka, ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyey Sawirka Qadra Dhicis iyo cunugeeda yar ee ay umsushay oo la jiifiyey Isbitaalka Yardemeli ee ku yaalla isla degmada xamar Jajab.

Isbitaalka Wardi ayaa ka mid ah Isbitaalada magaalada ee adeegyada ugu badan ku bixiya qaab bilaash ah, madaama isbtiaalka ay dhaqaalaha ka bixiyaan NGO-yo heer caalami ah.

Maxaa Is Badlay?

Dhacdada Qadra ka dib , dad badan ayaa baraha bulshada ku faafiyey in sababta Qadra isbtiaalka looga diiday ay tahay in ay iska bixin weysay lacag baad ah oo dhan $20 dollar.

Balse Dhaqaatiirta iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha Isbitaalka oo arinta ka hadlay ayaa dadka ka dalbaday in ay joojiyaan waxa ay ugu yeereen “Buun buuninta” warar laga leeyahay dano gaar ah.

“Qadra looma diidin in ay isbitaalka ku umusho, kaliya waxa aan ka dalbanay in ay keento ninkeeda, ama qof ka tirsan qoyskeeda” ayuu yiri qof ka mid ah shaqaalaha Wardi oo ka waalcsan sida kiiska loo badalay.

Inta badan dumarka ku umalo Isbitaalka ayaa waxa ay ka siman yihiin in lagu xiro in ay la yimaadaan qof eholkooda ah.

Dhanka kale mas’uul u hadlay Isbitaalka Wardi ayaa sheegay In shaqada la eryey Gabar kalkaaliso ah oo lagu magacaabi jiray Shukri Maxamed Cabdi oo sida maamulka sheegen aheyd qofkii sida xun ula dhaqmay Qadra Maxamud dhicis.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...