Maxaa Ka jira Xadiithka Sheegaayo In Nabiga SCW uu Istaag Ku Kaadiyey(Kala Caddeyn)

-

Maxay Yihiin Xadiith-yada sheegaayo in nabiga SCw uu istaag ku kaadiyey

culimo qaar ayaa dood ka keenay xadiith ku qoran saxiixeenka oo sheegay in Nabiga SCW uu Kaadiyey isagoo taagan xadiithkaasi oo uu warinaayo Xudeyfa ibnu yamaamah RC ayaa lafdikiisa waxaa uu ahaa:

“Aniga iyo Nabiga oo Socono goob Laga guuray(sida meelaha Qashinka lagu tuuro) oo derbi gadaasheed ah ayuu nabiga Istaagay sida uu u Istaago qofka Caadiga ah ka dibna wuu kaadiyey ka dibna Waxaa uu i tilmaamay in aan biyo u keena waan u keenay ka dibnaa waxaan iska fadhiistay meel taag ah ilaa Nabiga howshiisa uu soo dhameystay”

hadaba culimada dooda ka keenay xadiithkan ayaa aaminsan in laga sheegeeyo Nabiga Sc oo istaag ku kaadiyey ay tahay Bahdilaad iyo Fududeysi lagu sameeynaayo Nabiga Sharaftiisa waxa ayna culimadaasi daliil ka dhigtaan Xadiith nabiga ka sugnaaday oo ay soo warisay caa,siho Rc oo isna oranaayey:

“qofkii idin sheega in Nabiga SCW uu istaag ku kaadiyey ha rumeysanina Maxaa yeelay Waligiis Nabiga Istaag Kuma Kaadinin”

Sidee la isku waafijin karaa labada Xadiith

Horta wey sugan tahay in Nabiga CW uu istaag ku kaadiyey maxaa yeelay Xadiithkaasi waxaa Wariyey Labada Sheikh ee kala ah Bukhaari iyo Muslim sidaa darteed shaki ma gali karo sax ahaanshaha xadiithka dhanka kalase xadiithkani kama hor imaanyo xadiithka ca,isha ee ah nabiga SCW waligiis istaag kuma kaadinin maxaa yeelay Caa,isha wey saxantahay Waligiis Nabiga SCW Kuma kaadinin istaag isagoo gurigiisa joogo caa,ishana waxa ay ka hadleyso waa marka uu guriga joogo ee xiliyada kale kama hadleyso.

Gagabo MUhiim ah

Waxaa kaloo muhiim Ah in aan ogaano in Waqtiyada ugu badan in uu nabiga SCW fadhi ku kaadin jiray sida uu fadhiga biyaha ugu cabi jiray balse wey ka sugnaatay in Nabiga SCW marar dhif ah uu istaag ku kaadiyey sida uu istaag biyaha ugu cabayba, waana muhiim in aad ogaato in dhaqanka carabta uu ahaa in istaag lagu kaadiyo sida aan ka fahmeyno Xadiithkani hoose:

Waxaa uu leeyahay nin la yiraahdo cabdirxamaan Ibnu xasanah:
“waxaa nagu soo baxay Rasuulkii alle SCW Isaga oo gacanta ku Wata Darqah(geed maqaar ka sameysan oo carabta isticmaali jireen) ka dib wuu iska dhigay waana uu fadhiistay wuuna kaadiyey, Qaar ka mid ah Dadkii ayaa waxa ay dhaheen: Fiiriya ! Waa uu kaadinayaa sida dumarka u kaadiyaan…..”

sidoo kale dhaqanka carbta in uu ahaa in istaag lagu kaadiya waxaan ka fahmeynaa xadiithkii Xudeyfa marka uu leeyahay“ayuu nabiga Istaagay sida uu u Istaago qofka Caadiga ah ka dibna wuu kaadiyey”n waxaan halkaasi ka fahmeynaa in dhaqanka carabta uu ahaa in istaag lagu kaadiyo.

Si Gooban Culimada madaahibta afarta ah waxa ay isku raacansanyihiin in qofka muslimka u banaantahay in kaadiyo isagoo taagan iyo isagoo fadhiya labadaba waxaana mar walbo muhiim ah in uu qofka raaco hadba midda uu is leeyahay nijaazada wey kaga fogaaneysaa balse culimada qaar badan oo ka mid ah ayaa ku tagay in qofka cudur daar qabo uu istaag ku kaadin karo has yeeshee ay tahay kiraahiya(wax laga fiicanyahay) in uu qofka istaag ku kaadiyo isagoo xaaladiisa fadhi u saamaxeyso …………. Alahu Aclam.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...