Maxaa ka jiro inuu Farmaajo laba waxyaabood kala mid noqday Donald Trump?

-

Waxaa shalay markii ugu horreyey ka arrimiyey madaxtooyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo la doortay 8 February wuxuuna ilaa waqtigaas si kumeel gaar ah ugu shaqeenayey Hotel Jazeera oo u dhaw garoonka diyaardaha Muqdisho.

haddaba durba waxaa lasoo caleemeeyey waxyaabo uu Farmaajo kala mid noqday Madaxweynaha dhawaan isna xilka mareekanka ku fadhiistay ee  Donald Trump.

Waxaa la xasuustaa inuu shalay Farmaajo marki uu qudbadda ka jeedinayey xafladdii uu Xasan xilka kala wareegay ka sheegay inuu awoodda dowladda dib ugu celinayo shacabka, wuxuuna midaas kala mid noqday Trump oo isna ereyadaas kuwa la mid ah adeegsaday markii si rasmi ah loogu dhaariyey xilkiisa madaxweynimo.

hadalka uu Trump Xilligaas sheegay ayaa ahaa isna inuu awoodda Washington Dc dib ugu soo celin doono shacabka wuxuuna yiri

“We are transferring power from Washington, D.C., and giving it back to you, the people”. (waxaan awoodda kasoo wareejin doonaa Washington, D.C anigoo dib idinkugu soo celinayo)

Midda labaad oo la sheegay inuu Farmaajo kaga mid noqday Trump ayaa ah inuu boggiisa bulshada ku xiriirto ee Twitterka u adeegsado inuu kusoo gudbiyo wararka dowladda iyo xilalka la magacaabayo taasoo la arkay isagoo kusoo gudbiyey  magacaabiddii ugu horeeyay ee uu sameeyay Xilli  aan la arag wareegtadii madaxweynaha ee rasmiga ahayd isla markaana warbaahinta Qaranka aanay waxba ka qorin magacaabiddaasi, waana mid lamid ah sida uu sameeyey Trump.

Screenshot_2-2
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...