Dhulka gubtay waa siyaasad uu raaco maamulka Trump marka ay timaato siyaasadda Mareykanka ee gudaha Soomaaliya, weeraro isdaba joog ah oo ay fulinayaan diyaarado drones ah ayaa galaafta nolasha dad ka baxsan bartilmaameedka .
Xaqiiqonewws.com-Wararka Gudaha.
Drones-ka Hubeysan
Diyaaradaha noocan ah ayaa inta badan ku qalabeysan gantaalo loogu talagalay cir-ka cir(waa kuwa sida tooska cirka loogu dhaxgamo), ama duqeymaha cir ilaa dhulka(waa kuwa laga soo gamo cirka laguna soo tuuro dhulka, noocan ayaa Mareykanka waxa uu inta badan ka fuliyaa Pakistan, Yeman iyo Somaliya.
Sidoo kale Diyaaradahan ayaa ku qalabeysan hub kimiko ah oo leh qatar caafimaad, hubkaasi oo si ba,an u baa,bin kara keymaha iyo dhulka howdka.
Duqeymo Ka dhan ah Xaquuqda Aadanaha
Ben Emmerson, waa baare ka tirsan Hay,adda xaquuqda aadanaha ee QM, wax uu leeyahay “Duqeymaha Mareykanka waxa ay jibinayaan Xeerarka caalamiga ah ee aadanaha international humanitarian law. marka la fiiriyo warbixinta Emmerson ku dhawaad 90% duqeymaha Mareykanka waa kuwo ka baxay bartilmaameedkii saxda ahaa.
Istraatiijiyadda Mareykanka ee Duqeymaha Cirka
U jeedada ugu weyn ee Mareykanka ku riixeysa isticmaalka Diyaaradahan ayaa ah yareynta qasaaraha nafeed ee Askarta Mareykanka xitaa hadii goobta la duqeynaya ay joogaan dad aan hubeysneen, waxaana si xad dhaaf ah u kordhay isticmaalka diyaaradahan markii uu talada qabtay Trump marka loo barbardhigo Obama.