Maxaa ka soo baxay kulankii farmaajo iyo Habargidir”aqriso wixii ay isla afgarteen”

-

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]

Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan albaabada u xirnaa ku yeeshay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo 70 xubnood oo ka socday Habargidir kuwaas oo isugu jiray Xildhibaano, Wasiiro, Odayaal iyo Siyaasyiin.

Kulankaan ayey beesha Habargidir uga gol laheyd sidii ay u heli laheyd xilka Ra’isulwasaaraha waxaana casuumaadaas sameeyey madaxweyne Farmaajo.

Wararka hoose oo ay heshay shabakadda xaqiiqonews.com ayaa xaqiijinayo inay Habargidir si rasmi ah uga codsatay madaxweynaha inuu xilkaas siiyo.

Madaxweyne Farmaajo oo qadarinayo codsigaas ayaa xubnihii uu la kulmay ku qanciyey inuu xilkaan u magacaabi doono Beesha Hawiye ayna ku qancaan qofkii uu nasiibkiisa noqdo.

Markii u sidaas codsaday madaxweynaha Beesha Habargidir ayaa aqbashay codsigiisa waxayna ballan qaadeyn inay la shaqeyn doonaan cid kasta oo uu xilkaas u magacaabo.

Waxaa la filayaa inuu madaxweynaha ku dhawaaqo cidda noqoneyso Ra’iisul wasaaraha wixii ka dambeeyo Caleema saarka madaxweynaha oo la filayo inay dhacdo Berri oo arbaco ah.

Waxaa jiro shaqsiyaad badan oo kasoo jeedo Beesha Hawiye oo xilkaas isku soo taagay

Wararka U Dambeeyey

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...