Maxaa Ka Taqaan Itoobiyaanka Qurba Joogta Ah ee Israa’iil Ku Sugan

La Wadaag Asxaabtaada

Itoobiyaanka ku sugan gudaha waddanka Israa’iil ayaa wajahaya midab takoor, iyo xaalado nolal xumo oo ku heysata gudaha Israa’iil.


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Shaashadda Tilifishinka Janaal 11 ee ku hadla afka-Cirbowga, ayaa lagu soo bandhigay xaaladda takoor ee heysata Yahuudda Madowga ah ee ku nool gudaha Israa’iil.

Barnaamijka waxaa uu ka sheegeynayaa 2 shaqaale Itoobiyaan ah, kuwaasi oo ka shaqeeya Maqaayad, iyagoo ka sheegeeyey takoor ay la kulmeen markii loo diiday in ay taabtaan cuntada si loo ilaaliyo wax loogu yeeray “Sharciyadda Cuntada”.

Maamulaha maqaayadda ayaa u diiday dadkani in ay ka shaqeeyaan koshiinka ilaa ay la imaanayaa dokumentiyo caddeynaya yahuudnimadooda taasi oo Itoobiyanki ku sababtay in ay waayaan xaquuqdoodii shaqaalenimo ee gudaha Israa’iil.

Itoobiyaanka Madowga ah ee ku nool gudaha Israa’iil ayaa halkaasi loo daabulay sanadki 1980-kii , 3 sano un ka dib markii uu dhacay dagaalkii 1977, mashruuca Itoobiyaankaasi lagu daabulay waxaa ciwaan looga dhigay “In laga badbaadiyo baahida iyo dagaalada geeska Afrika”.

Dibaxyadii July

Dibadbaxayaal rabshado wata ayaa gilgilay Israa’iil bishii July ee isla sanadkan, dibadbaxayaasha oo ahaa Itoobiyaanka Madowga ah ayaa dalbanaayey in laga daayo Midab takoorka.

dibaxyada ayaa bilwoday ka dib markii Booliska ay toogteen wiil yar Oo Itoobiyaan ah, taasi oo keentay in dibadbaxayaal Itoobiyaan ah ay iskugu soo baxaan Waddooyinka iyaga oo dhagaxeeyey Booliska.

si kastaba ha ahaate gudaha Israa’iil waxaa maanta ku nool dad lagu sheegay in ay yihiin 15’000 oo Yahuudda Itoobiyaanka ah, waxa ayna shacabka Yahuudda ka yihiin 1.7%.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada