Maxaa Ka Taqaana Diyaaradda Loo Yaqaan”Maalinta Qiyaamaha”?Waa Diya…..

-

Meel kasto oo ay tagto diyaaradda sidda madaxweynaha Mareykanka waxaa barbar socdo diyaarad kale oo nooceedu yahay Boeing E-4A aircraft. diyaaraddaasi oo caan ku ah magaca”maalinta qiyaame” waxa ayna qeyb ka tahay diyaaradaha ilaaliya madaxweynaha Mareykanka.

Xaqiiqonews.com-Wararka Dibadda

Sida lagu daabacay Warbixin uu qoray Wargeyska Daily Mail, Xaqiiqonews-na ay af-soomaali u tarjuntay, waxaa jira afar diyaaradooda oo noocoodu yahay ‘Night Watch” oo ah diyaaradaha Boeing 747 oo ah diyaaraha wehliya xilliga madaxweynaha Mareykanka  uu ku jiro safaradiisa xagga dibadda ah.

Diyaaradahan ayaa ah kuwa loo diyaariyey in ay noqon karaan goob laga xakumi karo dalka Mareykanka  hadii uu dalka wajaho weerar nukliyeer ah.

diyaaraddani ayaa awood u leh in ay hawada ku jirto waqti badan wax ayna shidaal la,aan ku sii jiri kartaa hawada muddo 35.4 saacadood.

Ciidamada cirka Mareykanka ayaa soo bandgigay muuqaal heer sare ah oo muujinaya dhoola tus ku saabsan diyaarad cusub oo laagu tala galay in ay ka mid noqoto ilaalada maxweynaha diyaaraddaasi oo caan ku ah magaca “DOMESDAY) oo micnaheedu yahay“maalinta qiyaame”.

U jeedada ugu weyn ee diyaaraddani ayaa lagu sheegay waxaa uu Mareykanku  ugu yeeray diyaar-garowka dhamaadka aduunka!  madaama diyaaraddani ay dul qaad u leedahay sida Ameerikaanku  ku doodaayo weerarada nukliyeerka iyo sidoo kale in ay iska difaacdo hadii uu cirka ka soo dhaco Neyaasik.

Diyaaradda ayaa ku qalabeysan aaladaha ka hortagga korontada waana kuwa diyaar garow ku jira 24-saac iyo sidoo kale 365-ka maalin ee sanadku ka goobanyahay.

Mareykanka ayaa aaminsan i diyaaradahan ay yihiin kuwa ugu fiican ee ilaalin kara amaanka madaxweynaha madaama dalku uu wajahaayo cabsi xooggan oo xagga amniga waxaana laga cabsi qabaa in uu dalka ka dhaco weerar nukliyeer ah.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...