Maxaa Kala Socotaa Aragtida “Theory Art Of War” Iyo Qaabka dunida Loogu gumeysto

La Wadaag Asxaabtaada

Shir ay yeesheen shiineeskii hore ayaa waxa ay is weydiyeen su,aal aad muhiim u ah oo aheyd “maxaan ku xalinaa tabartarideena iyo itaal xumadeena, maadaama dadka kale ee dunida ay naga waaweyn yihiin? !.

Ka dib faaqidaad dheer iyo fikiro la is weydaarsaday ayaa nin ka tirsanaa militirga oo lagu magacaabi jiray Sun Tzu, waxaa uu qoray buug caan noqday oo ingiriis markii loo tarjumay  qaatay magaca ah “war of arts”.

Buugga “War of arts” ayaa ka sheegeynaya istiraatiijiyadda dagaalka iyo qorshayaasha dagaalka, sidoo kale buugga ayaa xaliyey walawalkii shiineyska  ee ahaa “sideen  dadka naga waaweyn ee dunida iskaga dhicinaa”

buugga ayaa keenay fikirka “Theory Of art” oo dunida maanta aad loogu isticmaalo, fikirkani ayaa ah- hadii aad dooneyso in aad la dagaasho qof kaa xoog badan, waa in aad  xogiisa u isticmaashaa-

Sun Tzu ayaa yiri ” Tusaale hadii qof kaa xoog badan feer kugu soo rido, ha iska celinin feerka,badalkeeda u baneey ka dib sii raaci halka uu xooga u socda, gacantana u sii riix halka ay u socoto”

Dunida maanta aad ayaa loo isticmaala nadariyadda “Theory of arts”,  tusaale dagaalka ugu badan ee dunida ka socdo ma ahan dagaalo si bareer ah dalalka awoodda waaweyn ay ugu qaadeen dalalka kale,  balse dalalka quwadda sheegta ayaa isku hubeeya oo isku dira dad ka wada tirsan hal dal-somalia ayaana tusaalaha ugu fiican ka mid ah-

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada