Maxaa Ku Dhacay Facebook? Ma La Jabsaday?

La Wadaag Asxaabtaada

Tan iyo fiidnimadii hore caawa isticmaalayaal kala duwan oo ku sugan dunida oo dhan ayaa soo tabinaya cilado farsamo oo ku yimaaday ablikeeshinada Faysbuug, Inistaragaam iyo Watisab.


XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI

Qaar ka mid ah webseetyada aduunka oo wax ka qoray cilladan ayaa ku tilmaamay dhacdadan “jabsashadii ugu weyned taariikha”.

Waxyaabaha cilladan shakiga weyn gelinaya waxaa ka mid ah sida ay suurtagal u noqon karto in seeddexd ablikeeshin ay hal mar cillidoobaan waliba isku waqti.

Shirkadda Faysbuug oo ciladda ka hadashay waxa ay tiri “waxa aan isku dayeynaa in aan wax walbo ku soo celino sidooda sida ugu dhaqsiyaha badan”

“Waad ku mahadsantihiin dulqaadka aad muujiseen” ayey sii raaciyeen.

Webseetka Reuters ayaa qoray in cilladda sida muuqata ay u egtahay cilad ka taagan nidaamka dumiinka (DNS).

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada