Maxaa Ku Dhacaya Qofka Sooman Beerkiisa?..Waa Tan Jawaabta

-

Saynisyahano ka socday Jarmalka ayaa baaritaan kimikeed ku sameeyey waxa ku dhacaya jirka qofka Sooman, natiijo cajiib ah ayeyna soo saareen.


Xaqiiqonews-caafimaad

Saynisyahano Jarmal ah oo ka tirsan xarunta dhexe ee cilmibaarista Kansarka iyo kuwa ka socday machadka Helmholtz ee qaabilsan baarisyada caafimaad kuna yaal magaalada muniij, ayaa soo saaray warbixin sheegeysa in soonka saameyn wanaagsan uu ku reebo jirka aadanaha gaar ahaan cudurka beer baruurka ee dunida aadka ugu faafsan.

Soonka ayaa dhanka kale qeyb ka qaata in uu yareeyo qaar ka mid ah dhibaatooyinka ka dhasha cayilka sida laga soo xigtay wargeyska Jarmalkaka soo baxa ee “Augsburger Algemeine”.

Sida uu daabacay joornaalka “Molecular Medicine” , saynisyahanada ayaa ogaaday waxa ku dhaca jirka qofka sooman, waxa ay sheegeen in jirka uu soo saaraayo barotiin saameynaya isbadalada ka dhaca beerka, taasi oo qeyb ka qaadaneysa in uu yaraado baruurta beerka.

Dhaqtar Adam Rose oo ka tirsan xarunta dhexe ee baarista Kansarka, ayaa faallo ka dhiibtay cilmi baaristan isaga oo yiri “waxaa suuragal ah in aan daaweyno beer baruurka(beer weynaashada), markii aan fahano sida soonka arintani u saameeyo”.

Dr rose waxa uu hadalkiisa ku soo xiray “istareeska uu sababo soonka waxa uu qofka sooman ku sababayaa in soo saaro borotiinka kaasi oo yareeya baruurta beerka”.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Ma Guulleysan Karaa Qorshaha “Plan C” Ee Farmaajo Haddii Muddo Kordhinta Laga Diido?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Iyada oo wax lagu dhisaayo maraxalidihii kala duwanaa ee uu soo maray khilaafka doorashada...

Xogta..Soomaaliya Oo Heshay Dufcadii Koowaad Ee Darooniska TB2

Warar hoose ayaa sheegaya in Soomaaliya ay ku biirtay liiska dalalka doonaya in helaan diyaaraha darooniska ee Tukriga Sameeya. XAQIIQO...

Abi Axmed..15 Maalin Ayaan Ku Soo Ceshanay Wixii Tigreyga 5 Bilood Nooga Qabsadeen

Labadii maalin ee ugu dambeysay waxaa ciidanka Abi Axmed u suurtagalay in ay dib u soo ceshadaan 3 magaalo...

Muuqaal..Maxay Rakaabkan Diyaaradda U Riixayaan?

Muuqaal ka mid ah kuwa ugu cajiibsan, dalka Nepal waxaa baraha bulshada lagu baahiyey diyaarad ay rakaabka dabada ka...

Hadii Aad Aragto Riyooyinkan..Dhaqso Dhaqtar U Tag

Khubarro ka tirsan xarunta "Sleep cycle center" ee fadhigeedu yahay gobolka Teksas ee Mareykanka ayaa sheegay in riyada ay...

Dilka Shacabka Oo Lagu Tartamaayo!

Rasaasta ciidanka Df-ka ayaa dishay 3 qof oo shacab ah gudaha magaalada Muqdisho, halka gantaal hoobiye ah oo ...