Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

-

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu yaraan mar waqtiooda ka mid ah, haddaba su’aasha ayaa ah: ma jiraan habab caqli ku dheehan yahay oo loo wajahi karo xaaladdan oo kale?


XAQIIQO NEWS- HORUMARINTA NAFTA

Waxaan u qaadanayaa qof walbo oo qoraalkani aqrinaya oo aniga aan ku jiro in uu yahay tusaale fiican oo la soo qaadan karo marka laga hadlaayo “baahi lacageed”. Marka laga soo tago kala duwanaashaha dakhliga, dhammaanteen waxa aan ka simanahay in aan tabeyno wax naga maqan oo ay ugu weyn tahay lacagta, ma tahay mise ma ahan?

Sidee lacag lagu helaa? su’aashaasi weydii qof alla qofkii aad doonto waxaan hubaa in jawaabahooda ay isku mid ahaan doonin, sidoo kale khubarrada maaliyadda iyo dadka dhaqaalaha barta marnaba iskuma raacsana hab kaliya oo sax ah oo loo qaado “wadada lacagta”.

5-tii san oee ugu dambeysay waxaan baaray wax badan oo ku saabsan “lacagta”waxaan soo aruuriyey xog badan oo ku saabsan mowduuca lacagta sidaa darteed waxa aan halkani kugula wadaagayaa fikirkeyga ku saabsan “Maxaa la sameeyaa markii aadan lacag heysan? waxaa kale oo aan halkani kugu soo gudbinayaa qaar ka mid ah waxa ay khubarrada ka yiraahdeen su’aashan.

Xaalad dag dag ah!

Hadii aadan heli karin wixii aad cuni laheyd maanta ama biri, waxaa aad u baahan tahay in aad caawin ka dalbato dadka kale, taladaas waa talada uu ku siinaayo qof walbo oo ay ku jiraan xitaa khubarrada dhaqaalaha.

Wey fudahahay, hadii aad ku jirta “xaalad dag daga ah oo lacag la’aan ah” dadka kale ka dalbo caawin iyo kaalmo.

Laakiin hadii uu xaalkaadu yahay “iguma filna” sida uu yahay xaalka ugu badan ee dadka ee aan filaayo in qoraalkani aqrinayaan, waxaan kuu haayaa talo kale oo muhiim ah.

Ma jirto Sir Gaar ah

Waxaan soo aqriyey buugaag ka mid ah kuwa ugu caansan ee laga qoray dhaqaalaha sida: “Rich dad poor dad”, “Think and grow rich”, “I will teach you to be rich” iyo kuwa kale oo badan oo ku qoran afafka ingiriiska iyo carabiga, waana tan talada aan ku siinaayo ka gadaal safar dheer oo aqris ah ka dib.

Hadii aad ku jirto xaalada “lacag yari ah” waxa ugu fiican ee aad sameyn karto waa in aad lacag sameysaa, hase ahaate su’aasha qiimaheeda boqolka geela ah ku kacaayo waxa ay tahay “sidee lacag u sameyn karaa?.

Waxaan Guugalka ka baaray su’aashan aniga oo adeegsanay af-ingiriis, ilbiriqsiyo gudahood waxaa ii soo baxay seddex bilyan oo xog oo loga qoray qaabkee lacag loo sameeyaa, si taasi la mid ah waxaan ku baaray Af-soomaali waxaan helay 114,000 oo natiijo oo ka soo baxday baaristeyda. Taasina waxa ay muujineysa sida ay muhiim u tahay su’aashan.

Xisaabta ku darsa dadku waa ay kula fikir duwan yihiin marka ay timaado fikirka lacag sameynta, aniga ahaan waxaan ku leeyahay lacag sameynta ma ahan wax leh waddo iyo meel loo maro oo gaar ah, dadka kala duwan waxa ay sameeyaan waxyaabo kala duwan si ay u helaan “lacag” sidaa darteed ma jirto wax gaar ah oo la sameeyo, sameey waxa aad isleedahay waa ku heleysaa u jeedkaaga.

Ka hor inta aadan gelin safarka “lacagta sameynta”, waxaan kuu soo jeedinaya in aad aqrisato lacag-waa-gacal, halkaasi oo aad ka heli karto xog badan oo ku saabsan waa maxay lacag. Sidoo kale waxaa iyadana safarkaaga lacag sameynta kaa ciwaan karta Sidee U Heli Kartaa Wax Walbo Oo Aad U Baahantahay

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...