Waa Kee Erayga Ugu Muhiimsanaa Qoraalkii Midowga Musharixiinta?

La Wadaag Asxaabtaada

Golaha midowga musharaxiinta ayaa soo saaray qoraal ay shaki ku geliyeen dhexdhexaadnimada Rooble, ka dib markii Rooble uu ka qeyb galay caleemo saarkii madaxweynaha Jabuuti Geelle.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Midowga ayaa qoraalkooda kaga hadlay arimo dhowr ah oo ka taagan Soomaaliya sida dabaal degii ciidul fidriga, fatahaadaha iyo doorashooyinka la filaayo in ay dalka ka dhacaan

Musharixiinta ayaa qoraalka ku yiri “Goluhu wuxuu ra’iisul wasaare Rooble ku boorinayaa inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, islamarkaana joojiyo safarrada dibedda ah ee aan lagama maarmaanka aheyn, ahna waqti lumiska”

Sidoo kale Aqri: Waa Kee Musharaxa U Tilmaamay Jeesow Ee Aan Madaxweyne Noqon Karin

Waxa ay intaasi ku dareen “waa in uu deg deg u bilaabaa shaqo ku wajahan hanaan doorasho oo daah-furan ayna isku raaci karaan, wadana aqbali karaan shacabka Soomaaliya.” 

Eraygii Ugu Muhiimsanaa

Horay iyo gadaal u aqri, warqadda mucaradka soo saareen waxaa ugu muhiimsanaa kalmadda “shaki” ee ay u adeegsadeen Rooble.

Waxaa oo xusid mudan in 20-ka bishan loo madalsan yahay fadhigii lagu balansanaa , sidaa darteed in waqti hore shaki la sii muujiyo waxa ay horudhac u noqon kartaa khilaaf cusub.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada