Maxaa Laga Wadaa Erayga “Daraawiish”?

La Wadaag Asxaabtaada

Waligaa ma jeclaatay in aad ka mid ahaan laheyd ciidankii “Darwaawiishta” jawaabtaadu waxa ay ila tahay Haa, hadiise aan ku weydiiiyo Sabab? malaha waxa aad la soo boodi laheyd waa halgamayaal,  laakin waxaa jiraa macluumaad intaas ka duwan oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato mcnaha erayaga “Darwiish”.

Xaqiiqonews.com-Wararka.

Dabayaaqadii qarnigii 18,aad ilaa bilowga qarnigii 19,aad, Sayid Maxamed Abdulle Xasan waxa uu ingiriiska kala horymid halgan hubeysan oo markii dambe caan ku noqday magaca “daraawiish” hase yeeshee waxa aysan  ogeyn dad badan ayaa ah yaa bixiyey Magacan Dhul marka ah ee “Darwiish”.

Sidaada oo kale ayaan ahaa mana ogeyn macnaha dhabta ah  ee “Darwiish” ilaa ay timid maalin aan go,aansaday in baaro macnaha eraygan, isha kaliya ee aan sadaaliyey in aan ka heli karo macluumaad deg deg ah  waxa ay noqotay Google-ka, haa waxaana markii hore isku dayey in aan Af-soomaali ku raadiyo hase yeeshee ma arkin wax natiijo ah.

Ugu dambeyntii waxaan badalatay xeeladdii baaritaankeyga, afka carabiga oo bah-wadaag la ah Af-soomaaliga  ayaana wax ku raadiyey, halkaasi ayaana ka helay baadideydii, waxaana go,aansaday in aan qoro qormadan si dadka dambe ee Af-soomaaliga wax ku soo raadinaya ay u helaan macluumaad ku qoran aAfka-Soomaaliga, qeybta hoosane waa macluumaadkii aan helay oo gooban islamarkaana ku qoran luuqad fudud oo uu fahmi karo qof walbo.

“Daraawiish” waxaa loo yaqaanaa dariiqada Suufiyada gaar ahaan kuwa Sameeya Suhdiga(Aduunyada ka saahido), sidoo kale eraygan marka loogu dhawaaqayo luuqadaha Faarista iyo Turkiga waxaa  uu u qormayaa  sidan “Dervish”, waxaa kale uu eraygan yeelanayaa macno kale marka la joogo afka Hindiya waxaa uuna noqonayaa “Baahi”.

Daraawiishtii Suufida waxa ay caan ku ahaayeen Murtida, Daaweynta,  Gabayga iyo Garashada, hadda Kalimaddan afka carabiga waxaa loo yaqaanaa qof faqiir ah oo baahan laakiin aan isku muujinin baahi,balse reer galbeedka waxa ay Darwiish ku magacaabi jireen mujaahidiintii la halgami jirtay iyaga.

Waxaana Ka mid ah halgamayaashii magacaasi ay u bixiyeen Halgamaagii reer Sudan ee inigiriiska la dagaalamay Mahdi,  iyo halgamaagii Soomaaliya u dhashay Saiyd Maxamed Cabdulle Xasan, waxaana ay ereygan u isticmaalaan in ay ku duleystaan qof,iyagoo dhahaya waa “Darwiish” hadii ay koox yihiinna “Daraawiish”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada