Iiidle cabdullaahi Nuune oo caan ku ahaa “Iidle yare” ayaa fariimo murugo leh ku baahiyey baraha bulshada, fanaanka ayaana sanadihii dambe la tacaalaayey xanuuno isbiirsaday.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Iiidle yare oo quus ka muujiyey xaaladiisa caafimaad ayaa bartiisa faysbuug ku soo qoray “Allaah ayaan idinkaga tagay ilmaheyga” arintaasi oo hadal heyn badan ka dhalisay baraha bulshada.
Waxaana kor u kacay codadka dalbanaya in iidle lagu saacido la tacaalista xaaladiisa caafimaad oo beryihii u dambeysay ka sii dareysay.
Iidle yare ayaa dhowr mar wareysiyo uu bixiyey ku sheegay in ay buro madax uga taalo isaga oo sidoo kale soonkii la soo dhaafay sheegay in uusan soomin sababo la xariira xanuunka sokorta ee uu qabo.
Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dalbaday in laga qeyb qaato la tacaalista xaaladda adag ee Iidle yare ku jiro,waxaana Madaxweyne Xasan Shiikh loogu baaqay in uu soo farageliyo xaaladda Iidle.