Maxaa Qabsaday Markii Fanaanad Caan ah oo Soomaaliyeed ay Bixin Weysay Ijaarka Guriga ay Daganeyd#sheeko cajiib ah

-

Fanaanad da,ada ee shamsa maxameed foot oo ka sheegeyneysay taariikh nololeedkeeda ayaa soo qaadatay sheeko cajiib ah oo qabsatay xilli ay daganeys guri ku yaalla caasimadda dalka ingiriiska ee London.
Fanaanadda oo wareysi siineysay barnaajika fanka iyo suugaanta ee idaacadda risaala ee magaalada muqdisho ayaa tiri”Aniga iyo laba gabdhood oo u kala dhashay ingiriiks iyo jarmarlka ayaa wada daganeen dhismo ku yaalla caasimadda London gabdhuhu waxa ay ahaayeen arday wax shaqo ahna ma heyn anne sidoo kale shaqo la,aan ayaan ahaa waxaa nagula yeeshay ijaarkii guriga muddo seddex bilood ah”
Fanaanadda oo aan wax cabsi ah ka qabin hadalada sirta ah ee ay la wadaageysay shacabka dhageysanaayo ayaa sii wadatay hadlkeeda iyado oo leh”guriga waxaa lahaa nin maalqabeen ah oo ka tirsan milkiiliyaasha kooxda Chelsea ee ka ciyaarta horyaalka ingiriiska waxaa uu na weydiiyey aniga iyo gabdhahaba sababta aan u bixin la,nahay ijaarka guriga waxaan u sheegnay in aanan wax shaqo ah heynin lkn ninkii ayaa noo soo bandhigay shaqooyin dhowr ah oo ka banaanaa kooxda labadii gabdhood madaama ay arday wax baratay ahaayeen waxa ay heleen shaqooyin sare hase ahaatee aniga ma laheyn wax aqoon sidaa darted ninkii waxa uu isoo bandhigay in aan noqdo dumarka qaabilsan nadaafadda garoonka ! ”
Shamsa foot ayaa hadalka sii wadatay iyadoo leh” waxaan aqbalay shaqadii waxaana ka mid noqday dumarka qaad qaada caagadaha iyo dhalooyinka biyaha lagu cabbo ee lagu tuuro garoonka waxaana inta badan shaqooyinkeena ahaayeen kulamada ka dib iyo xitaa kulamada ka hor si marka ay ciyaarta bilaabaneyso garoonka nadiif u ahaado”
Ugu danbeyn mar la weydiiyey Shamsa foot kooxda ay ka taageerto horyaalka ingiriiska ayaa iyada oo qosleysa waxa ay ku jabaabtay”wlh aniga Chelsea lee taageeraa deeqow waad fahmi kartaa sababta laakin caruurteyda waan isku dhib qabnaa iyaga waxa ay taageeraan Arsenal”

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...