Maxaa Xal Ah..Dagaal Mise Doorasho

-

Go’aankii ugu dambeeyey ee Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Farmaajo uu ka jeediyey golaha shacabka waxa ay biyo qabow ku shubtay colaadii beryihii ugu dambeeyey Xamar ka aloosneed, inkastoo uu ka socdo guux hoose xaaladda ayaa ah mid dagan.


XAQIIQO NEWS- FIKRDAHA

Shaki iigama jiro in dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho ay xambarsanaayeen dhowr fariin oo muhiim ah:

1-In Soomaalida wili aysan ka bogsoonin isticmaalka “luuqadda dhiigga” si ay gudbiyoon fikirkooda.

2-Dagaalkii dhacay waxa uu horudhac u ahaa dagaalo kale oo dhici kara waqti walbo

3- iyo fariinta ugu muhiimsan oo aheyd “nin walba ninkiisa ha nooleysto”, fiiri xitaa qolyihii mucaaradka wada ahaa ma aysan qodanin hal dhufeys.

Waxaa ii haray..tan iyo markii ay bilaabatay xiisadda ku saleysan “mucaarad iyo muxaafid”, magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay falal dulmi ah oo aan magaalada ka dhicin muddo ku dhaw 15 sano.

Sida ay ii sheegaan dad ka dhawaa goobtii falka ka dhacay, ciidankii mucaaradka waxa ay dileen nin milkiile ah kaasi oo diiday in gurigiisa dhufeysa laga galo.

Maxaa Xal ah?

Hadda xaalka waa uu dagan yahay, waxaana jira heshiisyo horudhac ah oo garwadeen ka yahay ra’iisal wasaare Rooble, hase yeeshee taasi meesha kama saareyso in aan is weydiina maxaa xal ah? dagaal mise doorasho.

Ani fikirkeyga labaduba xal ma ahan, xalka ugu fiican waxaa ku jiraa in la helo siyaasiyiin waxbaratay, ciidan waxbartay iyo shacab ilbax ah kuwaasi oo fikirkooda soo gudbin kara iyaga oo aan dulminin qof kale.

Ugu dambeyn..waxaa jira dad u sacab tumaya dagaalka iyaga oo aaminsan in ay si un “awood u helayaan”, balse taariikhda ayaa dadkaasi ku leh: ha farxina dunida sidaasi uma shaqeyso, ogaada inta ugu badan waxa niyadaada ku jira in ay ku baa bi’ doonaan todobaadyada koowaad ee dagaalka.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...